29.9 C
Mogadishu
Sunday, May 10, 2026

Mucaaradka oo shaaciyay goobta ay ku qaban doonaan dibaxbaxa kadib go’aankii DF

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha mucaaradka ayaa ugu dambeyntii aqbalay go’aankii kasoo baxay dowladda Soomaaliya oo ahaa in hal goob lagu qabto dibadbaxa maanta, si looga hortago suurtagalnimada falal amni darro oo ka dhaca magaalada Muqdisho.

“Banaanbaxa waxaan ogolnahay in lagu qabto garoonka Injineer Yariisow, amnigana dowladda ayaa sugi doonta, majirto qof wax fowdo ah sameyn karta,” ayuu yiri shalay Duqa Magaalada Muqdisho oo la hadlay warbaahinta.

Intaas kadib waxaa saaka soo hadlay Madaxweynihii hore ee dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo shaaciyay in ay isla garteen in banaanbaxa lagu qabto hal goob ah oo ah Stadium Koonis, uuna bilaaban doono 11:00am.

Shariif ayaa sidoo kale sheegay inay qiimeeyeen daruufo badan oo xagga amniga ah, wuxuuna shacabka ugu baaqay inay si buuxda uga soo qayb-galaan banaanbaxa oo lagu diidan yahay barakicinta ay dowladda ka wado caasimada.

“Annaga oo fiirineyso waxyaabo fara badan waxaan go’aansanay in mudaharaadka uu ka dhaco hal meel, halkaas meelna ay noqoto Stadium Koonis marka waxaan rabnaa dadku inay sidaas ogaadaan,” ayuu yiri Shariif.

Waxaa kale oo uu kusii daray “Kulanka iyo hadalka wuxuu bilaabanayaa 11:00am waxaan codsaneynaa in meel walba oo la joogo laga soo dhaqaaqo waad mahadsan tihiin”.

Dhinaca kale, xaaladda Muqdisho ayaa haatan deggan, inkastoo wddooyinka qaar lagu arkayo gaadiidka gaashaman iyo ciidamo dheeraad ah oo ay soo dhigtay dowladda, kuwaas oo la sheegay inay sugayaan amniga caasimada.

Si kastaba, mucaaradka ayaa xalay isku kala qaybiyay degmooyinka gobolka Banaadir, si usoo hoggaamiyaan shacabka, hayeeshee qorshahoodii ayay hadda beddaleen, waxayna dhammaantood isugu tegi doonaan garoonka ciyaaraha Koonis.oo ku yaalla degmada Cabdicasiis ee Gobolka Banaadir.

- Advertisement -

Read more

Local News