Boosaaso (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa ku dhawaaqay inuu qaadi doono tallaabooyin adag oo dhinaca sharciga ah oo ka dhan ah maxaabiista kooxda Daacish, kuwaas oo lagu qabtay dagaalladii sanadkii hore iyo kuwa sanadkan ka dhacay buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.
Mas’uuliyiinta sare ee Puntland ayaa si cad u sheegay in la adkeyn doono ciqaabaha lagu ridayo xubnaha lagu helo inay ka tirsanaayeen kooxdaasi.
Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dhawaan faray garsoorka cusub ee Maxkamadda Ciidamada Puntland inay si adag ula tacaalaan kiisaska la xiriira kooxda Daacish, gaar ahaan xubnihii lagu soo qabtay howlgallada ciidamada Puntland ay ka fuliyeen deegaanka Calmiskaad.
Sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan Puntland, Madaxweyne Deni ayaa amar ku bixiyay in qof kasta oo lagu helo inuu xubin ka yahay Daacish uu wajaho xukun adag oo dil toogasho ah, kaasi oo lagu fulin doono nidaamka maxkamadaha ciidamada.
Go’aankan cusub ayaa kusoo aadaya xilli Puntland ay sii xoojisay howlgallada amni ee ka socda gobolka Bari, kuwaas oo lagu bartilmaameedsanayo haraadiga kooxda Daacish ee weli ku dhuumaaleysanaya buuraha Calmiskaad.
Ciidamada Puntland ayaa bilihii lasoo dhaafay halkaasi ka waday gulufyo culus oo ka dhan ah kooxda, waxaana la sheegay in howlgalladaasi lagu dilay xubno badan oo ka tirsanaa Daacish, halka kuwo kalena lagu qabtay nolol iyo geeri.
Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa isna adkeeyay mowqifka adag ee maamulka, xilli uu furayay tababar loo qabanayay xubnaha garsoorka Puntland. Waxa uu sheegay in Puntland muddo dheer dagaal kula jirtay kooxaha argagixisada ee khatarta ku haya amniga iyo xasilloonida deegaannada maamulka.
Lugatoor ayaa ugu baaqay hay’adaha garsoorka inay soo rogaan ciqaabo adag oo ka dhan ah dadka ku lugta leh falalka argagixisada, isagoo xusay in loo baahan yahay in sharciga si buuxda loo mariyo cid kasta oo lagu helo dambiyadaasi.
“Puntland waxay diyaar u tahay inay maxkamadeyso dadka ku lugta leh argagixisada iyo dilalka, waxaana idinka fileynaa inaad tallaabo adag ka qaaddaan cid kasta oo dambiyo geysata,” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka Puntland.
Maamulka Puntland ayaa sare u qaaday dagaalka ka dhanka ah Daacish ee gobolka Bari, kadib dagaallo culus oo ay la galeen kooxdaasi oo muddo ku dhow 15 sano ku sugneyd buuraha Calmiskaad, halkaasi oo ay ka sameysteen fariisimo iyo saldhigyo ay ku xoogeysnaayeen.

