Muqdisho (Caasimada Online) – Doorashooyinkii tooska ahaa ee dhowaan ka dhacay Muqdisho iyo deegaannada Koonfur Galbeed ayaa daaqadda ka tuuray marmarsiiyihii ugu weynaa ee ay gabaadka ka dhigan jireen siyaasiyiinta ka soo horjeeda nidaamka dimoqraadiga ah—dooddii ahayd in Soomaaliya aan marnaba laga qaban karin doorasho qof iyo cod ah.
Maanta, xaqiiqada dalku way isbeddeshay, halkaasna waxaa ka dhashay masraxa dood siyaasadeed oo cusub.
Weli lama gaarin doorasho qof iyo cod ah oo heer federaal ah, oo ay dhammaan dhinacyadu isku raacsan yihiin. Weli waxaa taagan su’aalo waaweyn oo ku gadaaman hufnaanta, heshiis-siyaasadeedka, madax-bannaanida guddiyada doorashada, iyo in nidaamka aan loo weecin dano xisbi. Hase yeeshee, dhiiranaantii ay lahayd doodda ah “Lama qaban karo” ayaa gabi ahaanba meesha ka baxday.
Bishii Diseembar ee sanadkii 2025, caasimadda Muqdisho ayaa martigelisay tijaabadii ugu weyneyd ee doorasho toos ah muddo ka badan nus qarni, iyadoo boqolaal kun oo qof ay isdiiwaangeliyeen.
In kasta oo mucaaradku ay qaadaceen geeddi-socodkaas—iyagoo ku andacoonaya in madaxweynuhu uu muddo-kororsi u dan leeyahay, amniga caasimadduna uusan saamaxayn—haddana hal xaqiiqo oo aan la dafiri karin ayaa muuqatay: shacabku sanduuqa way u dareereen.
Sawirkaas waxaa sii xoojiyay doorashooyinkii 10-kii May ka dhacay degmooyin ka tirsan gobollada Bay, Bakool, iyo Shabeellaha Hoose ee maamulka Koonfur Galbeed. Dowladda federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed waxay tallaabooyinkan u arkeen caddayn buuxda oo muujinaysa in nidaamka qof iyo cod laga hirgelin karo dalka.
Waxay tustay indhaha caalamka iyo kuwa gudahaba in farsamo ahaan iyo amni ahaanba ay suurtagal tahay in doorasho toos ah la qabto, xitaa haddii aysan hal mar wada wada gaari karin gees ka gees dalka.
Sidaas darteed, maanta wixii ka dambeeya, cid kasta oo ku doodda “qof iyo cod waa wax aan dhici karin” waxay si toos ah isaga hor keenaysaa xaqiiqo muuqata oo dhulka ka jirta; shacab ayaa Muqdisho ka codeeyay, dad ayaana Koonfur Galbeed codkooda ka dhiibtay.
Doodda dhabta ah ee la rabo in maanta diiradda la saaro, ma aha in la diido mabda’a qof iyo cod. Waa in miiska la keeno dood miisaan leh oo ka hadlaysa sidii loo heli lahaa nidaam doorasho oo loo dhan yahay, leh sharci cad, guddiyo madax-bannaan, ka-qaybgal siyaasadeed oo ballaaran, iyo jadwal xalaal ah oo aan loogu danaynayn hal dhinac.
Haddii mucaaradku uu yiraahdo “Nidaamka qof iyo cod waan oggolnahay, balse dowladda ayaan lagu aamini karin maamulkiisa,” waa dood caqli gal ah oo mudan in la dhegeysto.
Taasi waxay doodda ka weecinaysaa caqabado farsamo, waxayna u wareejinaysaa arrimaha udub-dhexaadka u ah caddaaladda: hufnaanta, dhex-dhexaadnimada, diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha, xuquuqda musharraxiinta, iyo ilaalinta xorriyadda ololaha doorashada.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo 10-kii May ka hadlayay doorashadii Koonfur Galbeed, ayaa si cad u muujiyay mowqifka xukuumaddiisa.
Wuxuu xusay in shacabka Soomaaliyeed ay xaq u leeyihiin inay doortaan hoggaankooda, aayaha dalkana aan mar dambe lagu soo koobi karin faro-ku-tiris siyaasiyiin ah.
Farriinta madaxweynaha waxay soo xirtay cutubkii ugu weynaa ee diidmada mucaaradka, iyadoo caddaysay in dowladda federaalku ay go’aansatay in doorashooyinka tooska ah ay ka dhigto dariiqa rasmiga ah ee siyaasadda Soomaaliya.
Waa xaqiiqo in nidaamkii doorashada dadban uu dalka u ahaa daawo ku-meel-gaar ah xilligii burburka iyo kala-qoqobka, kana caawiyay in laga baxo faaruq siyaasadeed. Balse muddo kaddib wuxuu isku beddelay cudur.
Wuxuu noqday madal ay ku naaxaan dullaaliinta siyaasadda, kaas oo codkii shacabka ku beddelay musuq-maasuq, laaluush, awood dhaqaale, iyo heshiisyo mugdi ah oo qolal xiran lagu kala saxiixdo. Soomaaliya uma baahna, mana xamili karto inay dib ugu laabato godkaas.
Haddii nidaamka qof iyo cod la leexiyo, waa in la saxo. Haddii sharcigu dhaliil leeyahay, waa in la kaabaa. Haddii guddiyada lagu muransan yahay, waa in dib u habeyn lagu sameeyaa si loo abuuro kalsooni. Haddii mucaaradka la fogeeyo, waa in loo furo geeddi-socodka.
Balse ceebahaas yaryar marnaba marmarsiiyo uma noqon karaan in dalka dib loogu celiyo nidaamkii foosha xumaa ee dadbanaa, kaas oo shacabka intiisa badan ka xayuubinayay xaqa ay leeyihiin.
Casharka ka soo baxay Muqdisho iyo Koonfur Galbeed waa dhambaal cad: doodda farsamada iyo suurta-galnimada way dhammaatay, doodda kalsoonida iyo hufnaantuna hadda ayay bilaabatay.
Sidaas darted, mucaaradka way ku adkaan doontaa hadda kadib inay caalamka ka gadaan in Soomaaliya loo celiyo doorasho dadban, waxayna ku qasbanaan doonaan inay mabda’ ahaan aqbalaan doorasho toos ah, balse ay ka xaajoodaan wixii ka soo hara.

