Muqdisho (Caasimada Online) – Dibadbax ballaaran oo ay soo abaabuleen qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa haatan ka socda degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, kaas oo looga soo horjeedo dhaq-dhaqaaqa mucaaradka.
Shacab isaga kala yimid degmooyinka dhaca waqooyiga caasimada ayaa isugu soo baxay waddooyinka muhiimka ah, iyaga oo ku qaylinayo erayo ka dhan ah mucaaradka oo iyaguna shalay qabtay dibadbax ka dhan ah dowladda Soomaaliya.
Qaar kamid ah dadweynaha ka qayb-galay banaanbaxa ayaa sheegay in aysan aqbali doonin qalalaase laga abuuro degmooyinkooda, ayna ka hortagi doonaan cid kasta oo colaad ka horineyso waqooyiga caasimada.
Sidoo kale, waxa ay farriin adag u direen xubnaha mucaaradka oo qaarkood u guuray aagga Mirinaayo, iyaga oo sheegay in aysan suurtagal ahayn inay fowdo abuuraan, ayna qalqal-geliyaan amniga guud ee magaalada Muqdisho.
Dareenka shacabka ayaa aad u kacsanaa, waxayna muujiyeen sida ay uga xun yihiin tallaabooyinka mucaaradka oo ay sheegeen inay wax u dhimi karaan nabad-geliyada iyo xasiloonida caasimada.
Maalmihii u dambeeyay kooxaha mucaaradka ayaa sare u qaaday dhaq-dhaqaaqooda, waxayna bilaabeen inay ku dibadbaxaan dowladda, iyaga soo abaabulay shacabkii laga barakiciyay dhulalka danta guud ee caasimada
Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad xasaasi ah, waxaana si weyn la’isugu hayaa hannaanka doorashooyinka iyo wax ka beddelka dastuurka.
Si kastaba, ha’ahaatee, lama oga sida ay wax noqon doonaan waxaase laga war sugayaa wada-hadallo xasaasi ah oo la filayo inay u bilowdaan dowladda iyo mucaaradka, kuwaas oo ay garwadeen ka tahay dowlada Mareykanka.

