28.3 C
Mogadishu
Monday, May 11, 2026

DF oo war kasoo saartay fara-gelin la sheegay inay ka imaaneyso safaaradda Mareykanka

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa si adag u beenisay warar maalmihii lasoo dhaafay soo baxayay, kuwaas oo sheegayay in Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ay marti-gelin doonto kulan siyaasadeed oo u dhaxeeya dowladda iyo mucaaradka 13-ka bishan May.

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Balcad ayaa sheegay in aysan jirin wax fara-gelin siyaasadeed ah oo ay waddo safaaradda Mareykanka, isla markaana aanu jirin kulan noocaas ah oo la qorsheeyay, isagoo xusay in wararkaasi yihiin kuwo aan sal iyo raad lahayn.

Cali Balcad ayaa hadalladan ka sheegay dood lagu qabtay barta X Space, halkaas oo uu kaga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo wararka la xiriira dhex-dhexaadin la sheegay in dhinacyada siyaasadda loogu qabanayo xarunta safaaradda Mareykanka ee Xalane.

“Ma jiro kulan la qorsheeyay, mana jirto wax faragelin ah oo safaaradda Mareykanka ka waddo Muqdisho,” ayuu yiri wasiirka, oo tilmaamay in Dowladda Federaalka ay xiriir joogto ah la leedahay saaxiibada caalamka, balse aysan jirin cid si toos ah ugu lug leh khilaafaadka gudaha.

Wuxuu sidoo kale sheegay in qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ay dadaal ugu jiraan inay beesha caalamka ku cadaadiyaan dowladda Soomaaliya, isagoo tilmaamay in dowladda ay hayso waraaqo iyo codsiyo arrintaas la xiriira.

Sida uu sheegay wasiirku, xubno kamid ah mucaaradka ayaa warqado u diray hay’ado caalami ah oo uu ku jiro Bankiga Adduunka, si loo hakiyo taageerada dhaqaale ee Soomaaliya, taas oo uu ku tilmaamay mid dhaawac ku ah danaha guud ee dalka.

“Waxaan moodaa inay ka gudbeen mucaaradnimo oo ay u gudbeen qaab kale oo wax lagu raadinayo,” ayuu yiri Cali Balcad, oo mucaaradka ugu baaqay inay ku tartamaan hannaan siyaasadeed iyo dariiq dimuqraadi ah.

Sidoo kale, wasiirka ayaa xusay in Dowladda Federaalka ay diyaar u tahay wada-hadal iyo is-afgarad siyaasadeed, balse ay muhiim tahay in laga fogaado tallaabooyin uu sheegay inay carqaladeyn karaan horumarka iyo taageerada caalamiga ah ee Soomaaliya.

Si kastaba, hadalkan ayaa imanaya xilli saacadihii lasoo dhaafay ay soo baxayeen warar sheegaya in Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ay qorsheyneyso kulan ay ku dhex-dhexaadineyso Dowladda Federaalka iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah, kuwaas oo isku haya hanaanka doorashooyinka iyo dhaqan-gelinta dastuurka cusub ee la mariyay baarlamaanka.

- Advertisement -

Read more

Local News