Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka cusub ee Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa si rasmi ah uga tanaasulay kursigii xildhibaannimo ee Golaha Shacabka, kadib markii loo magacaabay xilka wasiirnimo.
Cabdifataax Qaasim oo noqonaya wasiirkii ugu horreeyay ee baneeya kursiga xildhibaannimo, ayaa go’aankiisu kusoo aadayaa xilli dowladda federaalka ay waddo dadaallo lagu kala saarayo hay’adaha fulinta iyo xeer-dejinta.
Tani ayaa qeyb ka ah dhaqan-gelinta qodobbada dastuurka cusub, maadaama uu dhigayo in xubnaha Golaha Wasiirrada aysan isku mar ka mid noqon karin baarlamaanka iyo xukuumadda.
Cabdifataax ayaa sheegay inuu doortay inuu sii hayo xilka wasiirnimo, isla markaana uu baneeyay kursigii xildhibaannimo ee uu horay u hayay, si uu ugu hoggaansamo shuruudaha dastuuriga ah ee dalka.
“Anniga waa la i khiyaar geliyay, waxaan ka tagey xilka xildhibaannimo ee Golaha Shacabka, waxaana kaliya ahaan doonaa wasiir ka tirsan xukuumadda,” ayuu yiri Wasiirka cusub ee Warfaafinta.
Wasiirka ayaa sidoo kale maanta si rasmi ah loogu dhaariyay xilka wasiirnimo, iyadoo munaasabadda dhaarinta ay ka dhacday xarunta Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Waxaana dhaariyay garsoore ka tirsan Maxkamadda Sare ee dalka, si waafaqsan qodobka 123-aad ee Dastuurka Federaalka.
Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka ayaa sidoo kale goob-joog ka ahaa dhaarinta wasiirka, taas oo qeyb ka ah habraacyada sharciyeed ee lagu dhaqan-gelinayo kala madax-bannaanida hay’adaha dowladda.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe xoojinaysay dadaallada lagu hirgelinayo nidaam dowladeed oo ku dhisan isla-xisaabtan iyo kala saaridda awoodaha dowladda, xilli ay dalka ka taagan tahay xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay hanaanka doorashooyinka iyo meel-marinta dastuurka cusub.
Si kastaba, tallaabada uu qaaday Wasiir Cabdifataax Qaasim ayaa noqoneysa mid kamid ah tusaalooyinka ugu horreeya ee lagu muujinayo dhaqan-gelinta qodobbada dastuuriga ah ee la xiriira kala saaridda xubnaha fulinta iyo kuwa xeer-dejinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

