27.8 C
Mogadishu
Tuesday, May 12, 2026

Madaxweyne Saciid DENI oo ku wajahan Muqdisho – Maxaa socda?

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa kusoo wajahan magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, xilli ay kasii dareyso xiisadda siyaasadeed ee taagan.

Saciid Deni ayaa maalinta berri ah ka degi doona Muqdisho, halkaas oo ay beesha caalamku kulan ugu qabaneyso madaxda Dowladda Federaalka iyo xubnaha mucaaradka, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Dowladda Mareykanka ayaa la sheegay inay bilaabeyso dhex-dhexaadinta madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa mucaaradka ee ku midoobay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, si looga wada-hadlo xaaladda cakiran ee dalka.

Inkasta oo Dowladda Federaalka ay beenisay in safaaradda ay waddo qorshe noocaas ah, haddana xogaha soo baxaya ayaa muujinaya in maalmaha soo socda uu kulan saddex geesood ah ka dhici doono gudaha xerada Xalane, kaas oo ay yeelan doonaan Dowladda Federaalka, Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka.

Kulankaas ayaa diiradda lagu saari doonaa muranka ka taagan arrimaha doorashooyinka iyo wax ka beddelka dastuurka. Ilo wareedyo xilkas ah ayaa inoo xaqiijiyay in kulanka loo qorsheeyay inuu dhaco 13-ka bishan, isla markaana ujeedadiisu tahay in lagu gaaro xal waara oo la xiriira khilaafka sii xoogeysanaya ee u dhexeeya labada dhinac.

Sidoo kale, wararka ayaa intaas ku daraya in dhinaca dowladda ay shirka ku meteli doonaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre, halka dhinaca Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ay ku meteli doonaan Madaxweyne hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni.

Waxa uu noqonayaa kulankii ugu horreeyay ee noociisa ah ee lagu qabto Xalane, isla markaana uu garwadeen ka yahay Mareykanka, si loo gaaro xal waara.

Wada-hadalladan la filayo inay billowdaan ayaa kusoo aadaya, iyadoo shalay uu baaqday kulan uu horay u iclaamiyay Madaxweyne Xasan Sheekh, kaas oo qorshuhu ahaa inuu ka dhaco Villa Somalia, kadib markii ay ka caga jiideen xubnaha mucaaradka.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan ku jirta marxalad xasaasi ah, waxaana si weyn la isugu hayaa hannaanka doorashooyinka iyo wax ka beddelka dastuurka, oo ay dowladdu sheegtay inuu dhaqan-gal noqday.

- Advertisement -

Read more

Local News