Ankara (Caasimada Online) – Xilli dowladda Mareykanka iyo shirkadaheeda difaaca ay wajahayaan dib-u-dhacyo baaxad leh oo ku aaddan gaarsiinta hubka dalalka ay iskaashiga leeyihiin, waddamada Gacanka iyo kuwa Carabta ayaa si weyn ugu weecanaya saxiixidda heshiisyo ay ku iibsanayaan ama ku maal-gelinayaan hubka dalka Turkiga.
Dagaalka Mareykanka iyo Israa’iil ay ku qaadeen Iiraan tan iyo dabayaaqadii bishii Febraayo ayaa cadaadis xooggan saaray dalalka Gacanka, gaar ahaan Kuweyt, Imaaraadka Carabta, Qatar iyo Sacuudi Carabiya.
Inkastoo dalalkani ay leeyihiin nidaamyo difaaca cirka ah oo awood u leh inay ka hortagaan gantaallada riddada dheer (ballistic missiles), haddana waxay wajahayaan gabaabsi dhanka rasaasta ah iyo halis weyn oo kaga imaneysa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iiraan, kuwaas oo ku guuleystay inay burburiyaan dhowr nidaam oo ah raadaarrada riddada dheer ee gobolka.
Tan iyo xilligaas, waddamada Khaliijku waxay dardargeliyeen xiriirka ay la leeyihiin dowladda Turkiga iyo shirkadaheeda difaaca si ay u saxiixdaan qandaraasyo la xiriira nidaamyada difaaca cirka ee Ankara.
“Dalalka Gacanku waxay ku jiraan xilli iibsi xooggan, xitaa waxay wax ka weydiinayaan nidaamyada ay haatan isticmaalaan ciidamada gobolka,” ayuu yiri qof xog ogaal u ah qorshaha waddamada Khaliijka oo la hadlay wargeyska Middle East Eye. Wuxuu intaas raaciyay inay jirto xiiso ka imaneysa xitaa dalka Cumaan, oo inta badan ah waddan dhexdhexaad ka ah loollanka gobolka.
Istaraatiijiyaddaas ayaa si cad uga dhex muuqatay carwadii hubka Turkiga ee Saha Expo oo dhammaadkii toddobaadkii hore la soo gebagebeeyay, halkaas oo dalalka Gacanka iyo waddamo ay ka mid tahay Ciraaq ay muujiyeen joogitaan iyo xiiso xooggan.
Wasiirka Difaaca Kuweyt, Sheekh Cabdullahi Cali Cabdullahi Al-Sabah, ayaa saxiixay heshiis is-afgarad iib oo dowladeed, kaas oo ujeedkiisu yahay in Kuweyt ay nidaamyo milateri uga soo iibsato shirkadaha ugu waaweyn difaaca Turkiga, oo ay ku jiraan Aselsan, Havelsan, shirkadda sameysa diyaaradaha Drones-ka ee Baykar, shirkadda gawaarida gaashaaman ee Otokar, iyo shirkadda maraakiibta ee Yonca Shipyard.
Ilo wareed xog ogaal u ah fikirka dowladda Kuweyt ayaa xaqiijiyay in dalkaasi uu si gaar ah u daneynayo diyaaradaha casriga ah ee Akinci ee shirkadda Baykar iyo nidaamyada difaaca cirka ee Hisar oo loogu talagalay ka-hortagga halisaha joogga gaaban iyo midka dhexe. Xiisaha Kuweyt ma ahan mid cusub, maadaama dalkaasi uu sanadkii 2023-kii iibsaday diyaaradaha Bayraktar TB2 ee laga leeyahay Ankara.
Laba mas’uul oo ka tirsan warshadaha difaaca Turkiga ayaa sidoo kale xaqiijiyay in Sacuudi Carabiya iyo Qatar ay si gaar ah u daneynayaan nidaamyada ka-hortagga diyaaradaha Drones-ka ee ay soo saaraan shirkadaha Turkiga. Xubnahan ayaa sheegay in labada waddan ay saxiixeen qandaraasyo ay ku iibsanayaan nidaamka difaaca cirka ee Korkut 100/25.
Nidaamkan oo ay soo saarto shirkadda Aselsan ayaa loogu talagalay in lagu burburiyo Drones-ka iyadoo la adeegsanayo rasaas casri ah oo 25-milimitir ah. Sidoo kale, Sacuudiga ayaa qorsheynaya inuu iibsado nidaamyo cusub oo difaaca cirka ah oo lagu soo bandhigay carwada Saha Expo, oo ay ku jiraan nidaamyo leysarka (laser) ku shaqeeya oo ka hortaga Drones-ka, kuwaas oo lagu rakibi karo gawaarida xamuulka ee yaryar.
Yabooh ka wanaagsan
Xiisaha loo qabo nidaamyada difaaca cirka Turkiga kuma eka oo kaliya Khaliijka. Dalka Ciraaq ayaa isna baadi-goob ugu jira iibsashada hubkan. Ku-xigeenka Taliyaha Ciidamada Ciraaq ee dhanka hawlgallada, Sarreeye Guud Saad Harbiye, ayaa u sheegay wargeyska The National in Ciraaq ay soo gaba-gabeyneyso iibsashada 20 nidaam oo difaaca cirka ah. Xog ogaal ayaa sheegay in nidaamyadan ay u badan tahay inay yihiin gawaarida Korkut ee ka-hortagga Drones-ka.
Hase yeeshee, dalalka Gacanka ayaa weli ah iibsadayaasha ugu waaweyn ee suurtagalka ah. Madaxweyne Ku-xigeenka Imaaraadka, Mansour bin Zayed, ayaa Jimcihii booqday carwada Saha, isagoo kormeeray wax soo saarka ay soo bandhigeen dhowr shirkadood oo halkaas ku sugnaa.
Hal meel oo uu Turkigu weli ku dhibtoonayo inuu beddel la isku halleyn karo u soo bandhigo waddamada Gacanka ayaa ah ka-hortagga gantaallada riddada dheer ee ballistic-ga. Inkastoo Ankara ay gacanta ku hayso dhowr nidaam oo la horumarinayo, oo uu ku jiro nidaamka difaaca gantaallada riddada dheer ee Siper, haddana waxay u baahan tahay afar illaa shan sano oo horumarin ah si hubkaas si wax-ku-ool ah loola qabsiiyo khataraha gantaallada ballistic-ga.
Mas’uul ka tirsan warshadaha difaaca Turkiga ayaa sheegay in dalalka Gacanku ay weli daneynayaan nidaamyada mustaqbalka ee Turkiga sababtoo ah alaab-qeybiyeyaasha kale ee beddelka noqon lahaa, sida dalka Mareykanka, ayaa wajahaya dib-u-dhacyo gaarsiinta hubka ah oo qaadanaya dhowr sano, gaar ahaan nidaamyada Patriot iyo THAAD iyo rasaastoodaba.
“Waxay nidaamyada Turkiga ku iibsan karaan waqti intaas la eg gudahiisa, iyadoo ay u furan tahay suurtagalnimada in hubka lagu farsameeyo gudaha dalalkooda lana sameeyo horumarin wadajir ah haddii shuruuduhu ay isku beegmaan,” ayuu yiri mas’uulkaas. Wuxuuna hadalkiisa ku soo xiray: “Waxayna si isa soo taraysa u garowsan yihiin in kani yahay yabooh ka wanaagsan dookhyadii hore.”

