Riaydh (Caasimada Online) – Sacuudi Carabiya ayaa soo jeedisay qorshe heshiis is-weerarid la’aan ah oo dhexmara Iiraan iyo dalalka Bariga Dhexe. Qorshahan oo salka ku haya heshiis taariikhi ah oo xilligii Dagaalkii Qaboobaa dejiyay xiisadihii ka aloosnaa qaaradda Yurub sanadihii 1970-meeyadii, ayaa lagu daabacay warbixin uu Khamiistii baahiyay wargeyska The Financial Times.
Dadaalladan diblomaasiyadeed ee xukuumadda Riyadh ayaa taageero buuxda ka helay waddamada iyo hay’adaha Midowga Yurub. Si kastaba ha ahaatee, weli ma cadda in Mareykanka iyo Israa’iil ay garab istaagi doonaan qorshahan. Dhanka kale, Imaaraadka Carabta ayaa qaatay mowqif adag oo ka dhan ah Iiraan, isagoo si weyn ugu sii dhawaaday Israa’iil tan iyo markii uu qarxay dagaalka Mareykanka iyo Israa’iil ay ku qaadeen Tehran.
Sacuudi Carabiya ayaa qaab-dhismeedka heshiiskan ka minguurisay Heshiiskii Helsinki ee sanadkii 1975-kii, kaas oo ay wada saxiixdeen Midowgii Soofiyeeti iyo xulafadiisii, Mareykanka, iyo dalalka Yurub. Heshiiskaas wuxuu xilligaas horseeday in la aqbalo xuduudihii Yurub ee Dagaalkii Labaad ee Adduunka kadib, iyadoo dhinacyadu ay isku raaceen ixtiraamka xuquuqda aadanaha iyo iskaashiga arrimaha dhaqaalaha, sayniska, iyo bini’aadanimada.
Diblomaasi Carbeed oo la hadlay The Financial Times ayaa xusay in heshiis noocan oo kale ah oo laga hirgeliyo Bariga Dhexe ay si weyn u soo dhaweyn doonaan “inta badan dalalka Carabta iyo kuwa Islaamka, iyo sidoo kale Iiraan.” Xukuumadda Tehran ayaa dhankeeda horay ugu baaqday dalalka Khaliijka inay albaabada u laabaan saldhigyada milateri ee Mareykanku ku leeyahay gobolka.
Waa mid adag in Israa’iil ay oggolaato heshiis kasta oo rasmi ah oo la doonayo in lagu qaboojiyo xiisadda u dhaxaysa dalalka Carabta iyo Iiraan. Sidoo kale, weli lama saadaalin karo sida ay Washington u aragto tallaabadan. Caqabadaha hortaagan heshiiskan waxaa ka mid ah sida laga yeelayo arrimaha xasaasiga ah, sida marinka istaraatiijiga ah ee Hormuz. Iiraan ayaa doonaysa inay saameyn buuxda ku yeelato marinkan, waxayna dhawaan soo rogtay nidaam iyada u gaar ah oo lagu maamulo isu-socodka badda, kaas oo ay ku jirto in canshuur laga qaado maraakiibta.
Sacuudi Carabiya iyo dalalka kale ee Gacanka ayaa horay olole ugu galay in Mareykanku uusan weerarin Iiraan, iyagoo aaminsanaa in dagaalku uu Iiraan dhaawici doono balse uusan xididada u siibi doonin, taas beddelkeedana ay xukuumadda Islaamiga ah awoodeeda sii haysan doonto iyadoo ka sii dhiirran sidii hore.
Warbixin sirdoon oo ka soo baxday hay’adda CIA-da Mareykanka ayaa muujinaysa in cabsidaas dalalka Khaliijku ay rumowday. Dukumiintiga ayaa xaqiijinaya in Iiraan ay weli haysato inta badan kaydkeedii gantaallada ballistic-ga ee dagaalka kahor, dowladduna aysan muujineyn wax calaamado burbur ah.
Waddamada Gacanka ayaa si weyn isugu khilaafay qaabka looga falcelinayo dagaalka. Iiraan ayaa kumannaan gantaal iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones) ku garaacday dalalka Gacanka, inkastoo ay isku dayeen inay iska fogeeyaan colaadda. Dhanka kale, maamulka Trump ayaa cadaadis saarayay waddamada Khaliijka si ay ugu biiraan dagaalka ka dhanka ah Iiraan.
Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa toddobaadkan tabisay in Sacuudigu uu duqeymo qarsoodi ah ku qaaday Iiraan bishii Maarso. Imaaraadka ayaa isna sidoo kale qaaday weeraro, balse jawaabta Abu Dhabi ayaa ahayd mid ka gacan adag kana xagjirsan tan Riyadh. Tusaale ahaan, Sacuudiga ayaa taageeray dadaallo dhexdhexaadin ah oo uu waday dalka ay saaxiibka dhow yihiin ee Pakistan, balse Imaaraadka ayaa arrintaas si adag uga horyimid. Tani waxay keentay in wada-hadalladii ay Pakistan garwadeenka ka ahayd ee u dhexeeyay Mareykanka iyo Iiraan ay gebi ahaanba istaagaan.
Kala fogaanshaha Imaaraadka iyo Sacuudiga ayaa sidoo kale ka dhex muuqda xiriirka ay la leeyihiin Israa’iil. Halka shakhsiyaad aad ugu dhow qoyska boqortooyada Sacuudiga ay dhaleeceeyeen Israa’iil, Imaaraadka ayaa isagu si xawli ah ugu sii dhawaaday Tel Aviv.
Safiirka Mareykanka u fadhiya Israa’iil, Mike Huckabee, ayaa xaqiijiyay in Israa’iil ay Imaaraadka u dirtay qalabka difaaca gantaallada ee Iron Dome intii uu dagaalku socday. Intaas waxaa sii dheer, xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa Arbacadii shaaciyay inuu booqasho qarsoodi ah ku tagay dalkan yar ee Gacanka xilligii dagaalka, in kastoo xukuumadda Abu Dhabi ay si cad u beenisay in safarkaasi uu dhacay.

