29 C
Mogadishu
Saturday, May 16, 2026

Daawo: Suuq Bacaad oo mar kale gubtay + Khasaaraha

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dab xooggan ayaa xalay ka kacay qayb kamid ah Suuqa labaad ee dalka ee Suuq Bacaad, kaas oo saameeyay ganacsato badan, maadaama uu dabku basbeeliyay dhowr goobood.

Dabkan ayaa la sheegay inuu ka dhashay cilad koronto, isla markaana uu sababay khasaare hantiyeed oo baaxad leh, wuxuuna si gaar ah uga kacay suuq yaraha Dahabshiil, sida ay sheegeen qaar kamid ah ganacsatada suuqa.

Ibraahim Lafta oo ka mid ah ganacsatada ku sugan Suuq Bacaad, ayaa Somali Cable Tv u sheegay in dabka uu baabi’iyay ilaa 4 bakhaar oo lagu kaydin jiray dharka, isla markaana ay lahaayeen ganacsatada waratada ah ee suuqa.

“Meeshaan waxaa ka dhacay dhibaato xoogleh waxaa la yiraahdaa suuq yaraha Dahabshiil meeshaan ugu yaraan 4 bakhaar oo dhar ah ayaa gubatay marka shucuurteenna waa kacsan tahay”, ayuu yiri ganacsade Ibraahim Lafta.

Sidoo kale, wuxuu intaas ku daray in dhammaan hantidii tiilay bakhaarrada ay wada gubteen, isla markaana uu baaba’ay kaydkoodii.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Wax walba oo meeshaan yiilay wax badbaaday maleh annaga banaanka ayaan ku shaqeysan jirnay meeshaana kayd ayay noo ahayd alaabta ayana ku xareysan jirnay. Anuga ugu yaraan lacagteyda kaliya haddii aan xisaabiyo 7 illaa 8 kun ayaan ku shaqeysan jiray marka dadkan hantidooda haddii la’isku dardaro waxaa la dhi karaan 50 illaa 60 kun oo dollar waa ku gubatay”.

Gubashada suuqan iyo kuwa kale oo ku yaalla magaalada Muqdisho ayaa soo noq noqotay, iyada oo khasaaraha ugu badan uu kasoo gaaro ganacsatada.

- Advertisement -

Read more

Local News