27.2 C
Mogadishu
Saturday, May 16, 2026

Midowga Afrika oo bayaan culus kasoo saaray wada-hadalladii fashilmay ee Xalane

Bookmark
Bookmarked

Share

Addis Ababa (Caasimada Online) –  Ururka Midowga Afrika oo bayaan kasoo saaray xaaladda Soomaaliya ayaa walaac xooggan ka muujiyay fashilka ku yimid wada-hadalladii u dhexeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka ee ka dhacay xerada Xalane intii u dhexeysay 13 ilaa 15-ka May ee sanadkan 2026.

Midowga Afrika ayaa ugu baaqay labada dhinac ee siyaasadda inay dib ugu laabtaan miiska wada-hadalka, isla markaana ay muujiyaan tanaasul, sidoo kalena ay dhowraan nidaamka dastuuriga ah ee dalku leeyahay.

Sidoo kale bayaanka ayaa loogu digay labada dhinac ay sii kala fogaadaan, taas oo uga dari karta xaaladda siyaasadeed ee haatan cakiran, isla markaana dalka gelin karta qalalaase horleh.

Dhanka kale, Ururka ayaa soo dhaweeyay dadaallada dhex-dhexaadinta ee xubanaha beesha caalamka, kuwaas oo ujeedkoodu yahay isku soo dhaweynta labada dhinac, si xal looga gaaro khilaafka taagan.

Goor sii horreysay Qaramada Midoobay oo iyana ka hadashay fashilka ku yimid wada-hadalladii u dhexeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Golaha Mustaqbalka ayaa wax laga xumaado ku tilmaamtay natiijo la’aanta wada-hadalladaas, iyadoo aan la gaarin wax heshiis ah, kadib markii ay dhinacyada isku fahmi waayeen arrimaha doorashooyinka dalka.

“Kadib wadahalladii dhacay 13–15 May, UNTMIS waxay ku ammaanaysaa dhinacyada dib u bilaabista wadahadallada, waxayna ka mahadcelinaysaa dadaallada ay bixiyeen saaxiibbada caalamiga ah ee taageeray wadahadallada, Si kastaba ha ahaatee, waa wax laga xumaado in mar kale ay kulamadu kusoo dhammaadaan iyadoo aan xal loo helin khilaafaadkii taagnaa,” ayaa lagu yiri Bayaanka.

Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale farriin u dirtay Dowladda Federaalka, waxayna ugu baaqday in inta lagu jiro kala guurka ay fursad siiso wada-hadallada, si loo gaaro go’aan mideysan oo looga gudbi karo xaaladda cakiran ee dalka.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirta laba marxaladood oo xasaasi ah, kuwaas oo kala ah xaalad siyaasadeed oo cakiran iyo mid bani’aadanimo oo ka dhalatay abaaraha ku dhuftay qaybo kamid ah dalka, taas oo saameeyay dadka iyo duunyada.

- Advertisement -

Read more

Local News