Riyaad (Caasimada Online) – Maxkamadda Sare ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa ku dhawaaqday in Axadda maanta, kuna beegan 29-ka bisha Dul-Qacdah 1447 Hijriyada la raadin doono bisha cusub ee Dul-Xijjah.
Bayaan kasoo baxay Maxkamadda Sare ayaa lagu sheegay in shacabka Sacuudiga looga baahan yahay inay isha ku hayaan curashada bisha, si loo xaqiijiyo bilowga bisha 12-aad ee taariikhda Hijriyada, taas oo muhiimad weyn u leh Muslimiinta caalamka.
Maxkamaddu waxay tilmaantay in xaqiijinta bisha Dul-Xijjah ay saldhig u tahay jadwalka gudashada acmaasha waaweyn ee xajka, gaar ahaan maalinta Carafo iyo munaasabadaha Ciidul-Adxaa.
Sidoo kale, bayaanka ayaa lagu xusay in cid kasta oo aragta bisha cusub looga baahan yahay inay warbixintaasi u gudbiso maxkamadaha ama hay’adaha ay quseyso, si loo diiwaangeliyo aragtida bisha.
Bisha Dul-Xijjah ayaa kamid ah bilaha ugu fadliga badan sanadka Islaamka, waxaana ku jira cibaadooyin muhiim ah oo ay kamid yihiin gudashada xajka iyo soonka tobanka maalmood ee ugu horreeya bishaas.
Maalinta sagaalaad ee Dul-Xijjah oo loo yaqaan Maalinta Carafo ayaa ah maalin qiimo weyn, iyadoo malaayiin xujey ah ay isugu tagaan Buurta Carafo si ay u gutaan rukniga ugu weyn ee xajka.
Sidoo kale, maalinta xigta ee 10-ka Dul-Xijjah ayaa ah maalinta koowaad ee Ciidul-Adxaa, taas oo si weyn ugu dabaaldegaan Muslimiinta dunida.

