Boosaaso (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa gacanta ku dhigtay koo,o burcad-badeed ah, xilli la xoojiyay howl-gallada ka dhanka ah kooxaha burcad-badeedda ah oo muddooyinkii dambe weerarro iyo falal afduub ah ka fulinayay deegaanno ka tirsan gobolka Bari.
Saraakiil ka tirsan ciidamada ammaanka Puntland ayaa sheegay in howl-gallada la kordhiyay ay qeyb ka yihiin dadaallada lagu sugayo amniga badda iyo xeebaha, xilli ay soo baxayaan walaacyo la xiriira dhaq-dhaqaaqyo cusub oo ay wadaan kooxaha burcad-badeedda.
Puntland ayaa sidoo kale xaqiijisay in ciidamada ammaanku ay gacanta ku dhigeen xubno ka tirsan kooxahaasi, kuwaas oo lagu qabtay howl-gallo ka dhacay gobolka Bari. Maamulka ayaa sheegay in dadka la qabtay la horgeyn doono cadaaladda.
Taliska qeybta booliska gobolka Karkaar ayaa sheegay in tallaabo adag laga qaadi doono cid kasta oo lala xiriiriyo taageeridda ama la shaqeynta kooxaha burcad-badeedda. Taliska ayaa digniin culus u diray dadka lagu tuhunsan yahay inay hoy ama gargaar siiyaan kooxahaasi.
Booliska ayaa xusay in falalka burcad-badeedda intooda badan lagu beegsado maraakiibta isaga kala gooshta xeebaha Puntland, iyagoo muujiyay cabsi ku aaddan in xaaladdaasi saameyn ku yeelato isu socodka maraakiibta ganacsiga iyo kalsoonida shirkadaha isticmaala marin-biyoodkaasi.
Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay in haddii aan si deg-deg ah loo xakameyn kooxahaasi ay jirto khatar amni iyo mid dhaqaale oo soo wajahda Puntland, gaar ahaan dekedaha iyo ganacsiga badda ee laf-dhabarta u ah dhaqaalaha deegaannada qaar.
Dowlad-goboleedka Puntland ayaa ugu dambeyn ku goodisay inay dhul iyo badba kula dagaallami doonto kooxaha burcad-badeedda, kuwaas oo dib u soo celiyay weerarrada iyo afduubyada maraakiibta ee ka dhacaya Badda Cas iyo nawaaxigeeda, iyadoo maamulka uu si cad u sheegay in aan loo dulqaadan doonin falalkaasi.

