27.4 C
Mogadishu
Sunday, May 17, 2026

Xasan oo farriin siyaasadeed u diray mucaaradka kadib markii…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta farriin culus oo siyaasadeed u diray xubnaha mucaaradka ee kasoo horjeedo dowladdiisa, kuwaas oo ku doodaya inuu ka dhamaaday muddo xileedkii 4-ta sano ahaa ee 15-ka May, 2026, haseyeeshee Madaxweynaha ayaa sheegay in muddo xileedka hay’adaha dowladda uu ku egyahay marka la gaaro 15-ka May 202, sida uu dhigayo dastuurka cusub.

Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta madaxtooyada ku qaabilay safiirka cusub ee dalka Jabuuti Col. Cusmaan Dubbad Sugulle ayaa sameeyay bandhig wayn, iyada oo Villa Somalia ay baahisay muuqaal qurux badan iyo munaasabad heerkeedu sarreeyo oo safiirka loogu sameeyay xarunta madaxtooyada.

Ujeedka munaasabadda ayaa ahaa mid uu madaxweynaha warqadaha aqoonsiga danjirenimo uga guddoomay Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Jabuuti u soo magacowday Soomaaliya, kaas oo dhawaan yimid Muqdisho.

Madaxweynaha oo ugu hambalyeeyay Danjiraha cusub xilka loo soo igmaday ayaa u rajeeyay guul iyo shaqo miro-dhal ah, isaga oo adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka walaaltinimo, iskaashiga siyaasadeed, amni iyo dhaqaale ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Jabuuti.

Dhankiisa, Danjiraha cusub oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda la wadaagay dhambaal iyo salaan uu uga siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa uga mahadceliyey soo dhoweynta diirran ee uu kala kulmay dowladda Soomaaliyeed, isaga oo soo bandhigay qorshihiisa xoojinta xiriirka diblomaasoyadeed iyo wax wada qabsiga labada dowladood.

Shalay ayuu sidoo kale madaxweynuhu qaabilay safiirka Turkiga ee Soomaaliya Alper Aktaş, iyadoo xilliga uu dhacay kulanka uu aha amid siyaasad ahaan muhiim ah. Türkiye ma aha dal xiriir caadi ah la leh Soomaaliya, waa mid ka mid ah xulafada ugu dhow ee Muqdisho, waxayna door weyn ku leedahay amniga, tababarka ciidamada, kaabeyaasha dhaqaalaha, gargaarka bani’aadannimo, iskaashiga badda iyo dhismaha hay’adaha dowladda.

Tallaabooyinkan ayaa dhaawac ku ah mowqifka mucaaradka, gaar ahaan dooddooda ku aadan in Xasan Sheekh aan wixii ka dambeeya 15-ka May loo aqoonsan karin madaxweynaha xilka haya. Hase yeeshee, kulamadan ayaa wiiqaya dadaalkaas, maadaama ay muujinayaan in waddamo kamid ah kuwa ugu saameynta badan Soomaaliya aysan weli ka fogaan Villa Somalia.

- Advertisement -

Read more

Local News