27.3 C
Mogadishu
Monday, May 18, 2026

Mucaaradka oo ka carooday tallaabada safiirka Jabuuti ee tagay Villa Somalia

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha siyaasiyiinta mucaaradka ayaa si caro leh uga falceliyay tallaabadii uu maanta qaaday safiirka cusub ee Jabuuti usoo magacowday Soomaaliya, Col. Cusmaan Dubbad, kaas oo tegay xarunta Villa Soomaaliya oo uu kusoo dhaweeyay Madaxweyne Xasan Sheekh.

Safiirka ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo u gudbiyay Madaxweynaha kadib munaabad ballaaran oo ka dhacday qasriga madaxtooyada Soomaaliya.

Madaxweynaha oo ugu hambalyeeyay Danjiraha cusub xilka loo soo igmaday ayaa u rajeeyay guul iyo shaqo miro-dhal ah, isaga oo adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka walaaltinimo, iskaashiga siyaasadeed, amni iyo dhaqaale ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Jabuuti.

Intaas kadib waxaa soo jawaabay Xoghayaha Madasha Samatabixinta Mucaaradka, Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) oo sheegay in Danjire Dubbad looga baahnaa inuu sugo Madaxweynaha sharciga, isaga oo ku dooday in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxmauud uu ka dhammaaday muddo xileedka.

“Safiirka walaalaha Djibouti, walaalkay Danjire Col. Cusmaan Dubbad, waxay aheyd in uu sugo Madaxweynaha sharciga ah ee soo socda. Xasan Sh waa madaxweynihii hore ee dalka, mana lahan awood sharci ah oo 15-ka May kaddib uu ku go’aamin karo xariiro dublamaasiyadeed, kuna qaadan karo go’aamo masiiri ah,’ ayuu yiri Maxamed Aadan Koofi oo qoraal soo saaray.

Sidoo kale, wuxuu farriin u dirau dhammaan safiirradda beesha caalamka ee fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho, wuxuuna ugu baaqay inay ixtiraamaan shuruucda dalka, gaar ahaan dastuurka kumeel gaarka ah.

“Dalalka saaxiibada ah iyo kuwa kalaba waa in ay ixtiraamaan dastuurka iyo dowladnimadeena,” ayuu kusii daray qoraalkiisa.

Si kastaba, Tallaabooyinkan uu qaaday Madaxweynaha Soomaaliya oo qaabilay dhowr safiir oo kala duwan ayaa dhaawac ku ah mowqifka mucaaradka, gaar ahaan dooddooda ku aadan in Xasan Sheekh aan wixii ka dambeeya 15-ka May loo aqoonsan karin madaxweynaha xilka haya. Hase yeeshee, kulamadan ayaa wiiqaya dadaalkaas, maadaama ay muujinayaan in waddamo kamid ah kuwa ugu saameynta badan Soomaaliya aysan weli ka fogaan Villa Somalia.

- Advertisement -

Read more

Local News