30.9 C
Mogadishu
Monday, May 18, 2026

Maxkamadda Sare oo beenisay sheegashadii guddiga doorashooyinka ee K/Galbeed

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo bayaan soo saartay ayaa sheegtay in weli aan loo soo gudbin natiijada doorashooyinka qof iyo codka ah ee ka dhacay Koonfur Galbeed, xilli guddiga doorashada uu shaaciyay inuu sugayo go’aanka Maxkamadda.

Warqadda kasoo baxday Maxkamadda Sare ee dalka ayaa lagu caddeeyay in aysan jirin natiijo doorasho oo la xiriirta doorashooyinkii Koonfur Galbeed oo loo soo gudbiyay, si ay go’aan uga gaarto, taas oo meesha ka saartay hadalka kasoo yeeray guddiga maamulaya doorashooyinka.

“Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay caddeyneysaa in illaa iyo hadda aanay jirin natiijo doorasho oo la xiriirta doorashooyinkii ka dhacay Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo si rasmi ah loogu soo gudbiyay Maxkamadda Sare,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Goor sii horreysay Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka ayaa sheegay in dib loo dhigo doorashada Koonfur Galbeed, sababa la xiriira sugitaanka go’aanka Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu sheegay ingudbiyay dacwad ku saabsan ansixinta natiijooyinka doorashooyinkii dhacay, inkastoo ay maxkamaddu beenisay warkaasi.

“Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay caddeyneysaa in illaa iyo hadda,= aanay jirin natiijo doorasho oo la xiriirta doorashooyinkii ka dhacay Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo si rasmi ah loogu soo gudbiyey Maxkamadda Sare,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Waxaa kale oo qoraalka lasii raaciyay “GMDQS wuxuu mar kale xaqiijinayaa sida ay uga go’an tahay ilaalinta sharciga, hufnaanta iyo dhammeystirka habraacyada doorashooyinka si waafaqsan dastuurka iyo sharciyada dalka”.

Doorashada Koonfur Galbeed oo aad isha loogu hayo ayaa waxaa ku loolamayo xisbiyo siyaasadeed, waxaana kamid ah xisbiga JSP ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh, kaas oo uu u sharraxan yahay guddoomiyaha Baarlamaanka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).

- Advertisement -

Read more

Local News