Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Alper Aktaş oo uu wehliyo Taliyaha TÜRKSOM, Sarreeye Gaas Sebahattin Kalkan iyo saraakiil sar-sare.
Labada dhinac ayaa ka wada-hadlay xoojinta iskaashiga milatari ee Soomaaliya iyo Turkiga, dardar-gelinta howlaha socda, gaar ahaan tababarrada ciidamada, taageeridda dhismaha awoodda difaaca iyo horumarinta xiriirka istiraatiijiyadeed ee labada dal.
Wasiirka Gaashaandhigga ayaa dowladda Turkiga uga mahad-celiyay doorka hagar la’aanta ah iyo garab istaagga ay siiso dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo dib u dhiska ciidamada.
Sidoo kale wuxuu si gaar ah u xusay kaalinta Turkiga ee la-dagaallanka argagixisada, tayeynta ciidamada iyo guulaha wadajirka ah ee laga gaaray iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo saaxiibada caalamka.
Wasiir Fiqi ayaa sheegay inay jiraan kooxo cadow ku ah dowlad-dhiska Soomaaliya, kuwaas oo uu sheegay inay dhibsanayaan xiriirka sii xoogeysanaya iyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga.
Waxaa uu xusay in iskaashiga labada dal uu door weyn ka qaadanayo xasillinta dalka iyo kor u qaadista awoodda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.
Kulanka waxaa sidoo kale goob-joog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Dhulka, ahna ku simaha Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar iyo mas’uuliyiin kale oo ka socday labada dhinac.







