Sanca (Caasimada Online) – Sida ku cad digniin 12-kii May ka soo baxday Hay’adda Ammaanka Badaha ee Boqortooyada Ingiriiska (UKMTO), burcad-badeedda Soomaalida ayaa kordhiyay afduubka iyo qalqalgelinta maraakiibta, iyadoo ilaa hadda gacanta ku haysa ugu yaraan saddex markab, oo labo ka mid ah ay shidaal xambaarsan yihiin, halka mid kalena uu sido xamuul shamiinto ah.
Maraakiibtan, oo la qafaashay intii u dhaxeysay 21-kii Abriil iyo 2-dii May, waxaa ku jira markab laga afduubtay xeebaha Yemen, kadibna loo wareejiyay dhanka Soomaaliya. Arrintan ayaa dhalisay cabsi xooggan oo ku saabsan suuragalnimada in isbaheysi dhex maro kooxaha burcad-badeedda Soomaalida iyo Xuutiyiinta Yemen ee xiriirka la leh Iiraan.
Xildhibaan Maxamed Diini, oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa dib-u-soo-noqoshada burcad-badeednimada ku sifeeyay mid ka dhalatay isbeddellada colaadaha dibadda, u nuglaanshaha gudaha iyo fursad-raadis. Wuxuu sheegay in isbeddelka ku yimid marinnada maraakiibta caalamiga ah ay sababeen xiisadaha juqraafiyeed, sida uu u sheegay telefishinka CNN.
Wuxuu intaas ku daray in xaaladda hadda ka jirta Bariga Dhexe ay burcad-badeedda siinayso cudurdaar ay dib isugu abaabulaan. Wuxuu sidoo kale ka digay in shabakadaha burcad-badeeddu ay isbaheysi la samaysan karaan ciidamada Xuutiyiinta ee Yemen, kuwaas oo beegsaday maraakiibta Badda Cas si ay u taageeraan dagaalka Xamaas ay kula jirto Israa’iil.
Xildhibaan Diini wuxuu carrabka ku adkeeyay in xasillooni-darrada muddada dheer ka jirta gudaha Soomaaliya ay xeebaha dalka ka dhigtay kuwo u nugul khataro amni. Wuxuu sheegay in arrintaasi ay daciifisay hay’adihii deegaanka ee rukunka u ahaa amniga, isla markaana ay hoos u dhigtay halista ay wajahayaan shabakadaha burcad-badeedda.
Inkasta oo aan weli la aqoonsan dadkii ka dambeeyay weerarradii ugu dambeeyay ee lagu qaaday maraakiibta, haddana afduubyadii hore waxaa inta badan ku lug lahaa dhallinyaro Soomaaliyeed oo ka soo jeeda bulshooyin sabool ah iyo kooxo hubeysan oo xiriir la leh shabakado argagixiso oo caalami ah.
Ciidanka Badda ee Midowga Yurub ayaa CNN u sheegay Jimcihii inay rumeysan yihiin in saddex kooxood oo burcad-badeed ah ay ka hawlgalaan waqooyiga Soomaaliya. Waxay sheegeen in kooxahaas ay leeyihiin xubno dhanka berriga ah oo taageero siiya iyo kooxo kale oo dhanka badda ka hawlgala.
Manu Lekunze, oo ah bare sare oo ku takhasusay xiriirka caalamiga ah kana tirsan Jaamacadda Aberdeen ee dalka Scotland, ayaa sheegay in dagaalka Iiraan uu abuuray meel bannaan oo dhanka amniga ah, taas oo horseedaysa dib-u-soo-nooleynta burcad-badeednimada. Wuxuu sheegay in doomihii ciidamada badda ee markii hore diiradda saari jiray xakameynta weerarrada burcad-badeedda loo wareejiyay ilaalinta maraakiibta xamuulka ee maraya Bab al-Mandab.
“Dagaalka Iiraan wuxuu ku qasbay dowlado dhowr ah, oo haddii kale diiradda saari lahaa ilaalinta galbeedka Badweynta Hindiya, inay mudnaanta siiyaan ciidamo caalami ah oo furaya marinka Bab al-Mandab,” ayuu yiri Lekunze.
Si kastaba ha ahaatee, Ciidanka Badda ee Midowga Yurub ayaa sheegay in colaadda Bariga Dhexe aysan carqaladeyn hawlgalkooda lagula dagaallamayo burcad-badeedda Soomaalida.
Soomaaliya iyo Yemen waxay wadaagaan xuduud badeed. Sidaa darteed, hay’addu waxay ka digtay in “heerka khatarta burcad-badeednimadu uu weli aad u sarreeyo dacallada xeebaha iyo badweynta Soomaaliya.” Badahaas ayaa sumcad-xumo caalami ah ku yeeshay dhammaadkii sannadihii 2000-meeyadii, xilligaas oo ay ka mid ahaayeen goobihii ugu waaweynaa ee lagu afduubi jiray maraakiibta.

