27.4 C
Mogadishu
Monday, May 18, 2026

Safiirka Midowga Yurub oo saxday khaladkii ay sameysay ee xilka madaxweyne Xasan

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Francesca Di Mauro ayaa qoraal cusub oo ay soo saartay mar kale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ugu yeertay “Madaxweyne”, maalmo kadib markii hadal ay hore u qortay oo aanay ku xusin xilkiisa uu dhaliyay falcelin iyo su’aalo ku saabsan hab-maamuuska diblomaasiyadeed.

Di Mauro ayaa qoraal ay Isniintii soo dhigtay barteeda ku sheegtay inay la kulantay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, islamarkaana ay uga warbixisay taageerada Midowga Yurub ee dhinacyada amniga iyo gurmadka bani’aadannimo ee Soomaaliya.

“Intii uu socday kulankeyga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, waxaan sidoo kale ku wargeliyay qoondaynta Midowga Yurub ee 75 milyan oo euro ee AUSSOM iyo baahida loo qabo in culeyska la wadaago mustaqbalka,” ayay qortay Di Mauro.

Waxay intaas ku dartay in kulanka lagu soo qaaday fulinta 63 milyan oo euro oo gargaar bani’aadannimo ah, kaas oo ay hirgelinayso hay’adda gargaarka bani’aadannimo ee Midowga Yurub ee ECHO, gaar ahaan dadka ay saameeyeen abaaraha daran.

Hadalka cusub ayaa loo arkay isbeddel muuqda marka loo eego qoraal hore oo Di Mauro ay Xasan Sheekh ugu xustay magaciisa oo keliya, iyadoo isla qoraalka ku xustay magaca Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, oo aysan raacin “madaxweyne”.

Arrintaas ayaa si weyn loo hadal hayay, maadaama ay timid xilli uu dalka ku jiro muran siyaasadeed oo xasaasi ah oo la xiriira muddo-xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh, hannaanka doorashada iyo xiriirka dowladda federaalka kala dhexeeya qaar ka mid ah madaxda maamul-goboleedyada.

Mucaaradka iyo Puntland ayaa si adag uga horyimid mowqifka dowladda federaalka, halka Villa Somalia ay ku adkeysaneyso in muddo-xileedka hay’adaha federaalka uu socdo illaa 2027, iyadoo arrintaas ku saleyneysa isbeddellada dastuurka ee uu ansixiyay baarlamaanka.

Xasaasiyadda hab-maamuuska

Ereyada ay adeegsadaan diblomaasiyiinta shisheeye ee ka howl-gala Soomaaliya ayaa si dhow loo eegaa, gaar ahaan marka ay khuseeyaan murannada u dhexeeya dowladda federaalka, mucaaradka iyo maamul-goboleedyada.

Magaca “Madaxweyne” ma aha keliya tixraac shaqsi ah oo loo adeegsanayo Xasan Sheekh Maxamuud. Waa xilka dastuuriga ah ee uu hayo, kaas oo ay dowladda federaalka ku metesho xiriirka gudaha iyo kan caalamiga ah ee Soomaaliya.

Arrintan ayaa sii yeelatay xasaasiyad siyaasadeed, xilli dowladda ay waddo qorsheyaal doorasho oo cusub, halka mucaaradku ku eedeynayaan Villa Somalia inay muddo-kororsi sameysay iyadoo aan la helin heshiis siyaasadeed oo ballaaran.

Adeegsiga Di Mauro ee erayga “H.E. President” ayaa u muuqda inay dib ugu laabatay hab-maamuuska caadiga ah ee diblomaasiyadda marka laga hadlayo Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Taasi macnaheedu ma aha in Midowga Yurub uu beddelay mowqifkiisa siyaasadeed. Brussels waxay marar badan madaxda Soomaalida ugu baaqday wada-hadal, is-afgarad iyo xal siyaasadeed oo loo dhan yahay.

Si kastaba, qoraalka cusub ayaa muujinaya sida eray kasta oo ay adeegsadaan safiirrada shisheeye loo fasirayo, xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka siyaasadeed ee Soomaaliya.

Taageerada Midowga Yurub

Midowga Yurub ayaa weli ka mid ah saaxiibbada ugu waaweyn ee Soomaaliya, isagoo taageero ballaaran ka siiya dhinacyada amniga, gargaarka bani’aadannimo, dowlad-dhiska iyo maamulka.

Qoraalka Di Mauro ayaa si gaar ah u xusay laba arrimood oo muhiim ah: 75 milyan oo euro oo Midowga Yurub ugu talagalay howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM iyo 63 milyan oo euro oo gargaar bani’aadannimo ah oo loo marinayo ECHO.

Maalgelinta AUSSOM ayaa imaaneysa xilli howlgalka Midowga Afrika uu wajahayo cadaadis dhaqaale, halka ciidamada Soomaaliya ay sii wadaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Hase yeeshee, muhiimadda siyaasadeed ee qoraalka Di Mauro waxay ku jirtay xilka ay dooratay inay u adeegsato Xasan Sheekh.

Midowga Yurub si cad uma sheegin inuu beddelay mowqifkiisa ku aaddan hannaanka siyaasadeed ee Soomaaliya, balse qoraalka cusub wuxuu muujinayaa in Brussels, iyadoo isku dayeysa inay dhexdhexaad ka ahaato muranka gudaha, ay weli ka warqabto muhiimadda ay leedahay ilaalinta hab-maamuuska diblomaasiyadeed marka laga hadlayo Madaxweynaha Soomaaliya.

- Advertisement -

Read more

Local News