Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya, Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa ka hadlay wafdi ka socday Puntland oo ka qayb-galay munaasabaddii 18-ka May ee lagu xusayay sanad-guurada kasoo wareegtay markii Somaliland ay ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale.
Wasiirka ayaa si dadban u dhaliilay Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, isagoo sheegay in aan taageerada qadiyadda Somaliland lagu kasban karin cod siyaasadeed ama faa’iido doorasho.
Cali Xoosh ayaa tilmaamay in siyaasiyiinta isku dayaya inay ka faa’iideystaan arrimaha kala qeybsanaanta Soomaaliya aysan ku gaari doonin guul siyaasadeed, isaga oo xusay in midnimada dalka ay tahay arrin qaran oo aan lagu ciyaari karin.
Sidoo kale, wuxuu sheegay in aan guul siyaasadeed lagu gaari karin hoos u dhigista rabitaanka siyaasadeed ee shacabka ku nool deegaannada Waqooyi Bari, isaga oo ula jeeday maamulka Puntland.
“Qofna guul siyaasadeed kuma gaarayo, Soomaalina cod siyaasadeed kagama kasban karo qof buun-buuninaya kala goynta Soomaaliya, islamarkaana hoos u dhigaya doonista siyaasadeed ee shacabka Waqooyi Bari,” ayuu yiri Wasiir Cali Xoosh.
Hadalka wasiirka ayaa imanaya kadib markii wafdi dhaqameed uu hoggaaminayay Yaasiin Muuse Boqor ay ka qayb-galeen xuska 18-ka May ee lagu qabtay Hargeysa, taas oo dhalisay hadal-heyn siyaasadeed.
Wafdigaasi ayaa sheegay inay ixtiraam u hayaan jiritaanka Somaliland, isla markaana ay Puntland taageersan tahay qadiyadda Somaliland, hadalkaas oo si weyn looga fal-celiyay, una qabsaday baraha bulshada.
Arrintan ayaa kusoo beegmeysa xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda federaalka iyo Puntland, iyadoo dhinacyadu isku hayaan arrimo la xiriira doorashooyinka, dastuurka iyo jihada siyaasadeed ee dalka.

