Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad oo maanta tegay degmada Gubadley ee Gobolka Banaadir ayaa kulan la qaatay Imaam Daahir Imaam Maxamuud, Taliyaha guutada 3-aad ee qeybta 12-ka Abriil Saneyd Cabdulle, qaar kamid ah mas’uuliyiinta kasoo jeeda degmada iyo xubno ka socday bulshada rayidka.
Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa diiradda lagu saaray xoojinta amniga iyo dardargelinta wada-shaqeynta hay’adaha ammaanka iyo bulshada.
Mahad Salaad ayaa kulanka ka sheegay in amnigu yahay mudnaanta koowaad ee dalka, isla markaana loo baahan yahay in bulshada ay garab buuxa siiso ciidamada ammaanka si looga hortago khataraha Khawaarijta iyo falalka amni-darrada ah.
Sidoo kale, wuxuu kula dardaarmay inay ka qayb-qaataan qorshaha dowladda ee ku aadan xasilinta iyo u diyaar garowga howlaha doorashooyinka.
Dhankooda, qeybaha kala duwan ee ka qeybgalay kulanka ayaa bogaadiyay dadaallada dowladda ee sugidda amniga, iyaga oo ballanqaaday in ay sii xoojin doonaan kaalintooda ku aaddan nabadgelyada, wada-shaqeynta hay’adaha ammaanka iyo dowlad-dhiska.
Kulankan ayaa kusoo aaday xilli xasaasi ah, isa markaana muddooyinkan la hadal hayay dhaq-dhaqaaq la sheegay in dowladdu ka wadday Gubadley, si ay uga hortagto in abaabul lamid ah kii Badbaado Qaran laga soo abaabulo degmadaas oo uu ku suganyahay Taliye Saneey Cabdulle oo horay loogu xasuusto kaalintiisii mucaaradkii 2022.
Dhawaan hadal uu jeediyay taliyaha wuxuu ku sheegay in aanu ahayn mucaarad, uuna la shaqeynayo dowladdiisa, taas oo meesha ka saartay hadal-heyntii qabsatay baraha bulshada ee ku aadaneyd inuu kasoo horjeedo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo hadda loollan kula jira mucaaradka.
Si kastaba, tallaabadan ayaa u muuqata mid ay dowladda kaga hortageyso in hoosteeda laga abaabulo ciidamo diidan qorshaheeda qof iyo cod, maadaama mucaaradka ay ku doodayaan inuu dhamaaday muddo xileedkii hay’adaha dowladda.


