26.8 C
Mogadishu
Wednesday, May 20, 2026

DF ‘oo u adeegsatay’ shirkad dibada ah si loo aamusiyo warbaahinta iyo mucaaradka

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar soo baxaya ayaa sheegaya in warbaahinta madaxa-bannaan ay dacwo u gudbiyeen safaaradaha reer Galbeedka ee Muqdisho, iyagoo ka cabanaya weerarro online ah oo la sheegay in dowladda ay u wakiilatay shirkad dibadda ku taalla, taas oo si been abuur ah u sheegata xuquuqda wararka ay baahiyaan warbaahinta madaxa-bannaan.

Wararka ayaa sheegaya in shirkadda CONVEY LLC, oo ka shaqeysa arrimaha suuq-geynta, lana sheegay in fadhigeedu yahay Talyaaniga, ay sheegatay xuquuqda muuqaalada lagu soo geliyo baraha Meta, gaar ahaan Facebook, kuwaas oo ay leeyihiin telefishinno iyo idaacado dhowr ah, si loo aamusiyo ama loo yareeyo wararka mucaaradka.

Ururka u dooda xuquuqda haweenka ka shaqeeya warbaahinta ee SOMWA ayaa qoraal uu soo saaray walaac weyn kaga muujiyay mowjado sii kordhaya oo weerarro online ah, kuwaas oo si habeysan loogu beegsanayo suxufiyiinta Soomaaliyeed, xarumaha warbaahinta madaxa-bannaan iyo shaqsiyaadka caanka ka ah baraha bulshada.

Weerarradan online-ka ah ayaa ku soo beegmaya xilli ay jirto xiisad siyaasadeed oo kacsan oo ka taagan Soomaaliya, halkaas oo suxufiyiinta iyo ururrada warbaahintu ay horayba ugu shaqeynayeen cadaadis daran, cagajugleyn iyo amni-darro.

Inkasta oo ay jiraan weerarro jireed, xarig, dhibaateyn iyo cagajugleyn maalinle ah oo ay la kulmaan suxufiyiinta warbaahinta madaxa-bannaan, haddana waxaa hadda soo baxay nooc cusub oo khatar ah oo lagu carqaladeynayo warbaahinta wax ku qorta baraha bulshada.

Sida ay wararku sheegayaan, dacwado badan oo warbaahinta ay u gudbisay shirkadda Meta ee Facebook ayaa hoos u dhigay saameynta shirkadda CONVEY LLC, oo sheeganeysay xuquuqda wararka iyo muuqaalada lagu daabaco bogagga Facebook ee idaacadaha iyo telefishinnada ka howlgala Muqdisho.

Xarumaha warbaahineed ee la kulmay weerarradan online-ka ah, kuwaas oo saameyn ku yeeshay awooddoodii ay wax ku daabici jireen ama ay ku gaari jireen dhageystayaasha iyo daawadayaasha ku xiran baraha Meta, waxaa ka mid ah Shabelle TV, Universal TV iyo Dalsan TV.

Sidoo kale, weerarradan ayaa saameeyay suxufiyiin madax-bannaan iyo dadka saameynta ku leh internet-ka, kuwaas oo nuxurkoodii la sheegay in meesha laga saaray ama la xaddiday, sababo la xiriira ganaaxyo wadajir ah oo lagu soo rogay.

W/Q: Cali Muxiyaddiin
Caasimada Online, London

- Advertisement -

Read more

Local News