30.9 C
Mogadishu
Wednesday, May 20, 2026

Dowladda Holland oo amar adag kasoo saartay weerarada lala beegsado qaxootiga.

Bookmark
Bookmarked

Share

Amsterdam (Caasimada Online) – Mudooyinkii u dambeeyay waxaa soo kordhayay weerarrada lagu bartilmaameedsado qaxootiga magangelyo-doonka ah ee ku sugan dalka Netherlands, kuwaas oo kooxaha midigta fog ee xagjirka ah, sida Defend Netherlands, ay si weyn uga soo horjeedaan xarumaha lagu dejiyo dadkaas qaxootiga ah.

Kooxahan cunsuriyiinta ah ayaa dab qabadsiiyey xarun ku-meel-gaar ah oo ay deggen yihiin dad magangelyo-doon ah oo ku taalla magaalada Loosdrecht, waxayna isku dayeen inay ka horjoogsadaan ciidanka dab-demiska inay damiyaan dabka. Si kastaba, dadkii ku sugnaa xarunta iyo shaqaalihii ayaa laga badbaadiyey.

Golaha Wasiirrada oo arrintan shir ka yeeshay ayaa u ballanqaaday dowladaha hoose kaalmo iyo xal gaar ah oo ku saabsan qaabilidda magangelyo-doonka, si loo adkeeyo ammaankooda, isagoo cambaareeyey rabshadaha ka dhanka ah xarumaha la weeraray.

Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaalida Netherlands, Abdikadir Ali Nuune, ayaa war lagu farxo ku tilmaamay ballan-qaadka Ra’iisul Wasaare Rob Jetten, oo sheegay in la bixin doono xalal gaar ah, isla markaana la sameyn doono kooxo firfircoon oo la shaqeyn doona ururka dowladaha hoose ee Netherlands.

Abdikadir Ali Nuune ayaa guud ahaan Jaaliyadda Soomaaliyeed iyo dadka dalka ku cusub ee magangelyo-doonka ah kula taliyey inay feejignaan dheeri ah ka muujiyaan xaaladda soo korortay iyo dhibaatooyinka ay geysanayaan kooxaha diidan qaxootiga.

Ra’iisul Wasaaraha Netherlands ayaa sidoo kale wax aan la aqbali karin ku tilmaamay weerarrada cunsuriyadda ku saleysan ee ay geysanayaan kooxaha midigta fog ee xagjirka ah, sida Defend Netherlands, isagoo sheegay inay yihiin falal xadkoodii dhaafay, isla markaana lala xisaabtami doono dadka ka dambeeya.

Rabshadihii ugu dambeeyay ee ay geysteen kooxaha cunsuriyiinta ah waxaa ka mid ah weerarro lagu bartilmaameedsaday xarumaha magangelyo-doonka ee la qorsheeyay in laga furo magaalooyinka IJsselstein, Den Bosch, Apeldoorn iyo Loosdrecht.

Hay’adda Qaabilaadda Magangelyo-doonka ee COA ayaa dhankeeda sheegtay inay ka walaacsan tahay nolosha iyo badqabka shaqaalaheeda, maadaama kooxahan ay dab qabadsiinayaan xerooyinka loo qorsheeyay qaxootiga.

Ali Muhiyaddiin
Caasimada Online

- Advertisement -

Read more

Local News