Jerusalem (Caasimada Online) – Somaliland ayaa ku dhowaaqday inay safaarad ka furaneyso magaalada Qudus, taasi oo ka dhigan in magaalada barakeysan ee reer Falastiin ay u aqoonsatay caasimadda dowladda Israa’iil ee xoogga ku haysata.
Maxamed Xaaji, oo ah safiirka cusub ee Somaliland u qaabilsan Israel, ayaa sheegay in safaaradda Somaliland “laga furi doono Qudus” isla markaana ay dhowaan howlaheeda billaabi doonto.
Wuxuu intaas ku daray in Israel ay iyaduna safaarad ka furan doonto magaalada Hargeysa, taas oo uu ku tilmaamay calaamad muujineysa “saaxiibtinimo sii xoogeysaneysa, ixtiraam wadajir ah iyo iskaashi istaraatiiji ah” oo dhexmaraya labada dhinac.
Go’aanka ayaa yimid bilo kadib markii Israel ay si rasmi ah ugu dhawaaqday inay Somaliland u aqoonsatay dal madax-bannaan. Tallaabadaas ayaa Israel ka dhigtay dalkii ugu horreeyey ee caalamka ka tirsan ee aqoonsi rasmi ah siiya Somaliland, oo tan iyo 1991 raadineysay aqoonsi caalami ah.
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si adag uga hortimid aqoonsiga Israel, waxayna ku tilmaamtay xadgudub ka dhan ah midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya.
Wasiirka arrimaha dibadda Israel, Gideon Sa’ar, ayaa soo dhoweeyey qorshaha Somaliland ee safaaradda Qudus, isagoo ku tilmaamay tallaabo muhiim ah oo xoojin doonta xiriirka labada dhinac.
“Waxaan bogaadinayaa saaxiibkey, Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro, go’aankiisa muhiimka ah ee ah in Somaliland ay safaaraddeeda ka furato caasimaddeenna weligeed ah ee Qudus,” ayuu yiri Sa’ar.
Wuxuu sheegay in furitaanka safaaradda Somaliland ee Qudus ay noqon doonto “tallaabo kale oo muhiim ah” oo lagu xoojinayo xiriirka Israel iyo Somaliland, isagoo sheegay in labada dhinac ay ka shaqeyn doonaan hirgelinta go’aankaas.
Sa’ar ayaa sheegay in safaaradda Somaliland ay noqon doonto safaaradda siddeedaad ee dal shisheeye ka furto Qudus.
Maalin ka hor, Madaxweynaha Israel Isaac Herzog ayaa Qudus ku qaabilay Maxamed Xaaji, oo u gudbiyey warqadihiisa aqoonsiga diblomaasiyadeed. Herzog ayaa ku tilmaamay “safiirkii ugu horreeyey ee Somaliland ku yeelato Israel.”
“Waan ku farxay inaan qaabilo safiirkii ugu horreeyey ee Somaliland u jooga Israel, Maxamed Xaaji, oo maanta ii soo gudbiyey warqadihiisa aqoonsiga,” ayuu yiri Herzog.
Herzog ayaa sheegay in iskaashiga cusub ee labada dhinac uu furi doono waddo ay uga wada shaqeeyaan arrimo kala duwan oo dan u ah “labada shacab iyo gobolka.”
Somaliland waxay xiriirka Israel u aragtaa fursad istaraatiiji ah oo u furi karta albaab diblomaasiyadeed oo cusub, gaar ahaan maadaama ay muddo dheer ku jirtay go’doon caalami ah. Mas’uuliyiinta Hargeysa ayaa sidoo kale rajeynaya in xiriirkaas uu keeno maalgashi, tiknoolajiyad, iskaashi amni iyo taageero siyaasadeed.
Hase yeeshee, tallaabada safaaradda Qudus ayaa Somaliland gelisay muran ka baxsan khilaafka ay la leedahay Muqdisho. Qudus waa mid ka mid ah arrimaha ugu xasaasisan khilaafka Israel iyo Falastiin, waxaana dalalka badankood ay ka fogaadeen inay safaaradahooda geeyaan magaaladaas.
Israel waxay Qudus u aqoonsan tahay caasimaddeeda, halka Falastiiniyiintu ay doonayaan in Bariga Qudus noqoto caasimadda dowlad Falastiin oo mustaqbalka dhalata. Dalalka caalamka intooda badan waxay safaaradahooda ku hayaan Tel Aviv ama agagaarkeeda, maadaama maqaamka kama dambaysta ah ee Qudus uu weli yhay arrin lagu muransan yahay.
Go’aanka Somaliland ayaa Hargeysa u horseedi doona cadaawad cusub oo calami ah, maadaama furitaanka safaarad Qudus ah uu taabanayo dareenka Carabta, Muslimiinta iyo taageerayaasha qadiyadda Falastiin.

