30.9 C
Mogadishu
Wednesday, May 20, 2026

Saciid Deni oo Mareykanka kala hadlay xaaladda kala guurka Soomaliya

Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamul-goboleedka Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa maanta kulan la yeeshay wafdi ka socda dowladda Mareykanka, kaas oo uu hoggaaminayo Ku-xigeenka Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya ahna sii hayaha xilka Safiirka, Ambassador Justin Davis, iyadoo sidoo kale ay qeyb ka ahaayeen saraakiisha howlgalka Africom, oo uu ka midyahay Col. Shane Jones Taliyaha Howlgalada gaarka ah ee maraykanka ee Africa.

Kulanka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa diiradda lagu saaray arrimo dhowr ah, sida Amniga, Siyaasada iyo horumarinta, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Puntland.

Sidoo kale, waxaa kulanka lagu soo qaaday xaaladda kala guurka ah ee uu dalku galay iyo doorka ay ku leedahay Puntland oo haatan kasoo horjeedo muddo kororsiga Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Puntland iyo Mareykanka ayaa sidoo kale ka wada hadlay xoojinta xiriirka iskaashi ee labada dhinac, gaar ahaan dhinacyada amniga, maalgashiga, iyo ka faa’idaysiga khayraadka dabiiciga ah ee Puntland, dhinacyada Macdanta, Kalluumeysiga iyo Shidaalka.

Dhanka kale, Ku simaha safiirka Maraykanka oo kulanka ka hadlay ayaa boggaadiyey hawlgalada ay ciidamada Puntland ka wadaan buuralayda Calmiskaad iyo guulaha laga gaaray ciribtirka argagixisada.

Ugu dambeyn, wuxuu amaanay horumarka iyo nabadgelyada ka jirta Puntland, isaga oo balan qaaday taageerada Dowladda Maraykanka ee dhinacyada adkeynta amniga, baahinta adeegyada bulshada iyo horumarinta dhaqaalaha.

Si kastaba, Kulankan ayaa kusoo aaday, iyadoo maalmo kahor ay fashilmeen wada-hadaladii dowladda iyo mucaaradka oo uu gar wadeen ka ahaa Mareykanka.

- Advertisement -

Read more

Local News