26.8 C
Mogadishu
Wednesday, May 20, 2026

Madaxweynaha Somaliland oo u safraya Israel si uu…

Bookmark
Bookmarked

Share

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) ayaa lagu wadaa in bisha soo socota ee June uu booqasho rasmi ah ku tago Israa’iil.

Safarka Cirro ayaa la sheegay inuu la xiriiro furitaanka safaaradda Somaliland ee magaalada Qudus, sida ay baahisay warbaahinta Israa’iil.

Qorshahan ayaa yimid kadib markii Somaliland ay si rasmi ah ugu dhowaaqday inay safaarad ka furaneyso magaalada Qudus ee la haysto, taas oo ka dhigan inay magaaladaasi u aqoonsatay caasimadda Israa’iil.

Inkasta oo bulshada caalamka inteeda badan ay Quddus u arkaan magaalo barakeysan oo qeyb ka ah dhulka Falastiin, haddana Somaliland ayaa ku biirtay Mareykanka iyo dhowr dal oo yar-yar oo safaarado ku leh Qudus, halka dalalka kale ay safaaradahooda ku leeyihiin Tel Aviv, maadaama Qudus loo aqoonsan yahay magaalo barakeysan iyo caasimadda Falastiin.

Safiirka cusub ee Somaliland u qaabilsan Israa’iil, Maxamed Xaaji, ayaa sheegay in safaaradda Somaliland “laga furi doono Qudus”, isla markaana ay dhowaan billaabi doonto shaqadeeda. Waxa uu sidoo kale shaaciyay in Israa’iil ay safaarad ka furan doonto magaalada Hargeysa, arrintaas oo uu ku tilmaamay bilowga xiriir diblomaasiyadeed oo sii xoogeysanaya.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Israa’iil ay dhowaan noqotay dalkii ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland, oo tan iyo sanadkii 1991 raadineysay aqoonsi caalami ah. Tallaabadan ayaa sare u qaaday xiriirka labada dhinac, iyadoo Hargeysa ay rajeyneyso inay hesho taageero siyaasadeed, maalgashi iyo iskaashi dhinacyada amniga iyo tiknoolajiyadda ah.

Dhanka kale, dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si adag uga hortimid tallaabada Israa’iil ay ku aqoonsatay Somaliland, iyadoo ku tilmaamtay xad-gudub ka dhan ah madaxbannaanida iyo midnimada Soomaaliya. Muqdisho ayaan weli si rasmi ah uga hadlin qorshaha safaaradda Qudus.

Wasiirka arrimaha dibadda Israa’iil, Gideon Sa’ar, ayaa dhankiisa soo dhoweeyay qorshaha Somaliland ee furashada safaaradda Qudus, isaga oo sheegay inay noqon doonto safaaradda siddeedaad ee dal shisheeye ka furta magaaladaasi.

Si kastaba, tallaabada Somaliland ayaa abuurtay muran xooggan, maadaama dalalka intooda badan ay safaaradahooda ku leeyihiin magaalada Tel Aviv, kana fogaadan Qudus sababo la xiriira muranka taagan ee u dhexeeya Israa’iil iyo Falastiin.

Go’aankan ayaa sidoo kale la filayaa inuu Somaliland geliyo cadaadis diblomaasiyadeed oo uga yimaada dalalka Carabta iyo taageerayaasha qadiyadda Falastiin.

- Advertisement -

Read more

Local News