26.8 C
Mogadishu
Thursday, May 21, 2026

DF oo bayaan kulul kasoo saaray tallaabada Somaliland ee Qudus

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag uga hadashay qorshaha maamulka Somaliland uu ku doonayo inuu safaarad uga furto magaalada Qudus, tallaabadaas oo ay ku tilmaamtay mid aan la aqbali karin isla markaana ka hor imaaneysa qawaaniinta caalamiga ah.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa si cad loogu diiday tallaabo kasta oo hal dhinac ah oo wax u dhimaysa jiritaanka iyo midnimada Soomaaliya, laguna sheegay inay ka hor imaaneyso go’aannada caalamiga ah iyo kuwa ururrada heer gobol.

Wasaaraddu waxay sheegtay in Dowladda Federaalka ay mar kale xaqiijinayso sida ay uga go’an tahay ilaalinta midnimada, madax-bannaanida, wadajirka dhuleed iyo qarannimada dalka Soomaaliya.

“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si adag u cambaareynaysaa tallaabada maamulka waqooyi-galbeed ee Soomaaliya uu ku sheegay inuu ka furayo waxa loogu yeeray ‘safaarad’ magaalada Qudus,” ayaa lagu yiri bayaanka dowladda.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in tallaabadan aysan lahayn wax sharciyad ah ama saameyn sharciyeed toona, isla markaana ay tahay fal daandaansi ah oo dhaawacaya mowqifka mideysan ee dalalka Carabta iyo caalamka Islaamka ee ku aaddan magaalada Qudus.

Dowladda Federaalka ayaa xustay in magaalada Qudus ay leedahay xaalad sharci iyo siyaasadeed oo gaar ah, taas oo lagu saleeyay go’aannada Qaramada Midoobay iyo heshiisyada caalamiga ah ee khuseeya arrinta Falastiin.

Soomaaliya ayaa sidoo kale dib u xaqiijisay taageeradeeda ku aaddan shacabka Falastiin iyo xaqa ay u leeyihiin inay helaan dowlad madax-bannaan oo caasimaddeedu tahay Bariga Qudus.

Hadalkan kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa imanaya xilli warbaahinta Israa’iil ay baahinayeen warar sheegaya in Somaliland ay qorsheyneyso inay xiriir diblomaasiyadeed la yeelato Israa’iil, islamarkaana ay safaarad ka furato magaalada Qudus.

- Advertisement -

Read more

Local News