Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa shaacisay in ciidamada dowladda Soomaaliya, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ay howlgallo qorsheysan ka fuliyeen deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan.
Howl-galladan oo ka dhacay deegaannada Maxaas, Mukayle iyo Shaw ayaa lagu beegsaday maleeshiyaad iyo xarumo ay kooxda Al-Shabaab ku lahaayeen halkaasi, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay NISA.
Hay’adda ayaa sheegtay in howl-galladaasi, oo duqeymo ahaa, lagu dilay 26 xubnood oo ay ku tilmaamtay “dhagarqabayaal,” isla markaana lagu burburiyay xarumo, gaadiid iyo goobo ay kooxda u adeegsan jirtay abaabulka iyo dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed.
War-saxaafadeedka hay’adda ayaa lagu sheegay in duqeymaha lala beegsaday goobo lagu keydiyo hubka iyo gaadiidka, kuwaas oo ay lahayd kooxda Al-Shabaab.
Sidoo kale, NISA ayaa sheegtay in qaar kamid ah xubnaha la beegsaday ay ku jireen horjoogayaal iyo xubno ka tirsanaa waaxda dabagalka iyo baarista ee kooxda Al-Shabaab, kuwaasi oo lagu eedeeyay dhibaateynta dadka shacabka ah ee isticmaala waddooyinka gobolka.
Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka:
Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa fuliyay howlgallo qorsheysan oo ka dhacay deegaannada Maxaas, Mukayle iyo Shaw ee gobolka Hiiraan kuwaas oo lagu dilay 26 dhagarqabe.
Sidoo kale waxaa lagu burburiyay teendhooyin, guryo, xarumo keyd hub iyo gaadiid ay Khawaarijtu u adeegsanayeen abaabulka iyo dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed.
Howl-galka koowaad oo ka dhacay nawaaxiga degmada Maxaas ayaa lagu bartilmaameedsaday maleeshiyaad ay Khawaarijtu ku abaabuleysay isgoyska Madaxya-weyn.
Weerarkaas waxaa lagu dilay 14 dhagarqabe, waxaana la gubay teendhooyin iyo gabbaadyo ay kooxdu u adeegsaneysay abaabulka iyo dhuumaaleysiga maleeshiyaadka iyo horjoogeyaasha.
Dhinca kale, howlgal ka dhacay deegaanka Mukayle waxaa lagu burburiyay fariisimo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsanaa waxa ay Khawaarijtu ugu yeeraan Mutaabacada ama dabagalka, kuwaas oo caan ku ahaa dhibaateada iyo baaritaannada sharci darrada ah ee lagu hayay shacabka isticmaalka waddada deegaankaas.
Howl-galkan waxaa lagu dilay sagaal dhagarqabe oo uu ku jiray Horjooge Sadaam oo ahaa ku xigeenkii deegaanka Mukayle, waxaana lagu dhaawacay 16 kale oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Khawaarijta.
Howlgalka saddexaad, oo ka dhacay deegaanka Shaw, ayaa lagu burburiyay xarumihii keydka iyo cilad-bixinta hubka ee Khawaarijta, iyo gaari nooca Hoomeyda ah, waxaana isla goobtaas lagu dilay saddex farsamo-yaqaan oo ka tirsanaa kooxda.
DHAMMAAD

