Johannesburg (Caasimada Online) – Wasiirka Ciyaaraha, Farshaxanka iyo Dhaqanka ee Koonfur Afrika, Gayton McKenzie, ayaa amray baaritaan rasmi ah oo lagu sameeyo eedeymo sheegaya in Ururka Soomaalida ee Koonfur Afrika uu si sharci-darro ah u isticmaalay Astaanta Qaranka ee Koonfur Afrika, oo loo yaqaan Coat of Arms.
Waaxda Ciyaaraha, Farshaxanka iyo Dhaqanka ayaa sheegtay in ururku uu u muuqdo mid Astaanta Qaranka, ama nuqul ka mid ah, ku dhex daray astaanta ururka iyo agabka aqoonsiga ee uu adeegsado.
Gayton McKenzie ayaa sheegay in isticmaalka, samaynta ama dib-u-soo-saaridda astaanta dowladda, iyadoo aan la haysan oggolaansho qoraal ah oo ka timid Maamulaha Astaamaha Qaranka, ay mamnuuc ka tahay sharciyada astaamaha ee Koonfur Afrika.
“Astaanta Qaranka ee Koonfur Afrika waa mid ka mid ah calaamadaha ugu muhiimsan ee qarankayaga. Waxay ka tarjumaysaa madaxbannaanida, hiddaha iyo qiyamka dastuuriga ah ee nidaamkeenna dimoqraadiga ah. Isticmaalkeedana waxaa si adag u xukuma Heraldry Act 18 of 1962,” ayuu yiri Wasiir McKenzie.
Astaanta Qaranka ee Koonfur Afrika waxaa la bilaabay Maalinta Xorriyadda, 27-kii Abriil 2000, taasoo ka tarjumaysay ujeeddada dowladda ee ahayd in lagu muujiyo isbeddelka dimoqraadiga ah ee dalka iyo dareenka cusub ee waddaninimada.
Halkudhigga ku qoran Astaanta Qaranka ayaa ah “!ke e: /xarra //ke”, oo ku qoran luqadda dadka /Xam ee Khoisan, macnihiisuna yahay “dad kala duwan oo midoobay”.
McKenzie ayaa sheegay inuu arrintan si rasmi ah ugu gudbiyay Thembinkosi Mabaso, oo ah Maamulaha Astaamaha Qaranka ee Xafiiska Astaamaha, isagoo ku amray inuu sameeyo baaritaan rasmi ah oo lagu ogaanayo in astaanta iyo agabka aqoonsiga ee Ururka Soomaalida Koonfur Afrika ay ka dhigan yihiin xadgudub ka dhan ah Sharciga Astaamaha.
Wuxuu sidoo kale xafiiska ku amray in, haddii xadgudub la helo, la soo saaro ogeysiis u hoggaansanaan ah oo dalbanaya in si degdeg ah loo joojiyo isticmaalka astaanta, lana dabaqo tallaabooyinka sharciga ah ee la heli karo haddii ururku ku guuldareysto inuu u hoggaansamo amarka.
“Xafiiska Astaamaha waxaa laga codsaday inuu natiijada baaritaankiisa ku soo gudbiyo xafiiskayga muddo toban maalmood oo shaqo ah gudahood. Astaanta Qaranku ma aha walax qurxin ah oo urur kasta uu iska qaadan karo marka uu doono,” ayuu yiri McKenzie.
McKenzie wuxuu sheegay in waaxdiisu ay si adag tallaabo uga qaadi doonto meel kasta oo sharciga lagu xadgudbo, wuxuuna ku daray in arrintan loo maareyn doono si tusaale u noqota habka mustaqbalka loo xallinayo kiisaska noocan oo kale ah.
Dhanka kale, Ururka Soomaalida ee Koonfur Afrika ayaa sheegay in isticmaalka astaantu uu ahaa khalad aan ula kac ahayn, isla markaana ujeeddadu ahayd in lagu muujiyo xiriirka iyo saaxiibtinimada Soomaaliya iyo Koonfur Afrika. Ururku wuxuu sheegay inuusan ka warqabin xayiraadaha sharci ee ku saabsan isticmaalka astaamaha qaranka, wuxuuna raalli-gelin ka bixiyay arrintaas.
Ururka ayaa sidoo kale sheegay inuu meesha ka saaray sawirkii muranka dhaliyay, uuna diyaar u yahay inuu la shaqeeyo Waaxda Ciyaaraha, Farshaxanka iyo Dhaqanka inta baaritaanku socdo.
Arrintan ayaa sidoo kale dhalisay caro ka timid kooxo ka soo horjeeda muhaajiriinta, kuwaas oo la sheegay inay tageen safaaradda Soomaaliya ee Pretoria, iyagoo ka cabanaya isticmaalka astaanta qaranka Koonfur Afrika. Ilaa hadda, ma jirto jawaab rasmi ah oo ka soo baxday dowladda Soomaaliya oo ku saabsan murankan.

