30.9 C
Mogadishu
Saturday, May 23, 2026

Duqeyn culus oo ka dhacday Ugunji + Khasaaraha

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in xalay weerar dhanka ah cirka ah uu ka dhacay deegaanka Ugunji, kaas oo ay iska kaashadeen ciidamada dowladda iyo saaxibada caalamiga ah.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in duqeynta oo ahayd bartilmaameed lagu beegsaday maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo isku aruursanayay si ay u abaabulaan falal argagixiso oo ka dhan ah shacabka Soomaaliyeed.

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa xaqiijisay in howlgalka uu u dhacay sidii loo qorsheeyay, laguna dilay lix xubnood, sidoo kalena lagu burburiyay hub culus.

“Howlgalka waxaa lagu dilay lix ka mid ah maleeshiyaadka Khawaarijta, iyadoo sidoo kale la burburiyay hub iyo agab ay adeegsanayeen,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale, qoraalka ayaa lagu sheegay in Ciidamada Xoogga Dalka iyo saaxibadooda ay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah argagixisada, isla markaana ujeedka uu yahay in lagu baacsado haraadiga kooxda Al-Shabaab.

“Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxay xaqiijinayaan in la sii xoojin doono hawlgallada lagu baacsanayo haraadiga argagixisada, laguna beegsan doono goob kasta oo ay ku dhuuntaan, si dalka looga ciribtiro kooxaha Khawaarijta ah ee dhibaatada ku haya shacabka Soomaaliyeed,” ayaa mar kale lagu yiri warka qoraalka ah.

Xaaladda Ugunji ayaa weli cakiran, waxaana haatan ka socda dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo, oo u dhexeeyo labada dhinac, sida ay soo sheegayaan dadka deegaanka.

Muddooyinkii ugu dambeeyay dowladda Soomaaliya iyo saaxibada caalamiga ah oo uu ugu horreeyo Mareykanka ayaa kordhiyay duqeymaha ka dhanka ah argagixisada, iyada oo mala kala duwan oo dalka ah lagu beegsaday loogu gaystay khasaare xooggan.

- Advertisement -

Read more

Local News