31.9 C
Mogadishu
Saturday, May 23, 2026

W/Bari: Maxaynu ku bedalanay Jacaylka Madaxweyne Xasan Sheekh?

By Maxamud Yusuf Gurey
Bookmark
Bookmarked

Share

JACAYLKA XASAN SHEEKH MAXAYNU KU BADALANAY? Ma dheeman baa quraarad la inoogu badalay?:

Marka laga hadlayo xiriirka laba dhinac iyo cilmiga siyaasadda, hannaanka iskaashi ama isbeddel ee dhexmara laba dhinac wuxuu had iyo goor ku salaysan yahay mabaadi’da dan is-weydaarsiga iyo dheelitirka awoodda.

Siyaasadda caqliga ku dheehani waxay waajibineysaa in marka la qaadanayo go’aan isbeddel ama isbahaysi siyaasadeed, in badalka la helayo uu noqdo mid u dhigma ama ka dakhli iyo faa’iido badan dhabbihii hore, haddii kale waxay dhashaa guuldaro istiraatiijiyadeed iyo natiijo aan la mahadin.

Marka loo kuurgalo taariikhda dhow, deegaannada Woqooyi Bari waxay soo mareen halgan muddo dheer qaatay oo dhiig iyo naf hurid baaxad leh loo soo hurey, kaas oo yoolkiisu ahaa helitaanka xorriyad, sharaf, iyo caddaalad dhab ah. Sidaa darteed, guulahaas taariikhiga ah marka loo rogayo midho siyaasadeed, waa inay ka turjumaan mabaadii’daas sare, iyadoo laga fogaanayo in dano istiraatiijiyadii guud lagu beddelo dano shakhsiyeed ama tanaasulaad siyaasadeed oo aan miisaan lahayn iyo guulo ku-meel-gaar ah.

Xiriirka WB iyo DFS: Saamaynta Mashaariicda iyo Miisaaniyadda:-
Haddaba, marka la qiimeeyo hannaanka iskaashi ee dhexmaray hoggaanka hadda jira ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo deegaanka WB, waxaa soo baxaya weydiimo waaweyn oo ku saabsan faa’iidooyinka dhabta ah ee deegaanka soo gaaray. Marka loo eego xogta maaliyadeed iyo ta horumarineed, waxaa jira saddex qodob oo saluug weyn dhaliyay:
1.Takoorista Mashaariicda Horumarineed: Deegaannada SSC waxaa gabi ahaanba laga reebay in ka badan 500 oo mashruuc oo isugu jira kuwo horumarineed iyo gargaar caalami ah, kuwaas oo loogu talagalay 18-kii gobol ee dalka, taasi oo meesha ka saartay mabaadi’da sinnaanta deegaannada.
2. Saamiga Miisaaniyadda Qaranka: Waxaa muuqata in si nidaamsan deegaanka looga qadiyay saamigii uu ku lahaa lacag dhan $1.36 bilyan oo dollar oo ka mid ah Miisaaniyadda Qaranka, taasi oo xadgudub ku ah xuquuqda horumarineed iyo muwaadinnimo ee dadka deegaankaas.
3. Mashaariicda Aan Hirgalin: Waxaa deegaanka laga sameeyay ballanqaadyo d dhowr ah iyo dhagax-dhigga in ka badan 10 mashruuc, kuwaas oo ilaa iyo hadda aan dhab ahaan u fulin, una muuqda kuwo u adeegayay olole siyaasadeed oo kaliya.

Horta yaa Xaq uleh inay ka hadlaan maslaxada iyo danaha WB?
Weydiinta kale ee muhiimka ah ee hortaalla bulshada WB waxay tahay: Yaa xaq u leh inuu ka hadlo masiirka iyo maslaxadda guud ee deegaanka? Halkii ay taladu noqon lahayd mid loo wada dhan yahay, waxaa muuqata in koox kooban ay isku koobtay go’aanadii siyaasadeed iyo maamul ee reer WB wada lahaayeen. Kooxdan waxay isticmaashaa hab-dhaqan reebitaan ah (exclusionary tactics), iyagoo gabi ahaanba meesha ka saara ama sumcad-dila cid kasta oo ka baxsan wareeggooda oo isku dayda inay ka hadasho danaha guud. Eedaymaha caanka ah ee ay adeegsadaan waxaa ka mid ah: “Maamulka ayaa la burburinayaa,” “Lacag bay soo qaateen,” ama “Meel kale ayaa laga soo diray. Waa hanaanka ay isticmaalaan kuwa dilaaala ama danahooda ka hor mariya danaha shakhsiga ah, .Waxaan maqli jiray “Tuug intaadan Tuug odhan buu Tuug ku dhahaa”. Runtiina, hab-dhaqankani wuxuu ka horimanayaa ujeedooyinkii iyo natiijaddii ay ahayd in laga dhaxlo halgankii SSC, kaas oo dhiig loo daadiyay si muwaadin kasta oo deegaanka u dhashay uu xaq ugu yeesho talada iyo go’aan ka gaarista masiirka dadkiisa.

Xaaladda Maanta:
Muddadii sharciga ahayd ee Dowladda Federaalka waxay ku ekayd May 15, 2026. Shirarkii siyaasadeed ee ka dhacay Muqdisho intii udhexaysay May 13–15, 2026, waxay daaha ka qaadeen tusaale kale oo muujinaya hoos u dhaca miisaanka siyaasadeed ee deegaanka. Hoggaamiyaha WB lagama qayb-gelin taladii masiiriga ahayd ee dalka isagoo waliba ku sugan Muqdisho, halka maamullo kale oo qayb ka ah dowladda federaalka loogu yeeedhay si ay qayb uga noqdaan go’aanada heer federaal, wixii la doono ha loogu yeedhee xigmad Soomaliyeed ayaa odhaneysa “Lax walbibaa shilkey is dhigtaa lagu qalaa”.

Si kastaba ha ahaatee dalku wuxuu galay xaalad hubanti la’aan siyaasadeed iyo muran doorasho.Taageerada indho-la’aanta ah ee la siiyay hoggaanka federaalka ma dhalin wax faa’iido ah oo la taaban karo, marka laga reebo (dano shakhsiyeed iyo mid kooxeed) iyo inaan si quman oo uqalanta aan loo gadin qadiyadii dhiiga badani udaatay balse taasi badalkeeda waxay keentay in la goblamiyo maamulka iyo in la abuuro kala qaybsanaan iyo dildilaac ku yimid wadajirkii siyaasadeed, kii dhaqan, iyo guud ahaan midnimadii bulshada dhexdeeda ahayd ee reer SSC
.
Gunaanad (Conclusion)
Siyaasadda casriga ahi waxay na baraysaa in xulashooyinka masiiriga ahi aysan ku dhisnaan karin caadifad ama rabitaanno shakhsi ah, balse ay tahay inay ku qotomaan xaqiiqooyin la taaban karo iyo dano istiraatiijiyadeed oo sugan. Khibradda siyaasadeed ee u dhaxaysa WB iyo Dowladda Federaalka muddadii la soo dhaafay waxay muujisay in kalsoonidii iyo taageeradii hiilka ahayd ee deegaanka laga bixiyay aan lagu beddelan horumar, sinnaan, iyo tixgelin siyaasadeed oo dhab ah.

Si looga baxo hubanti la’aanta taagan iyo dildilaaca bulsho, deegaannada SSC waxay u baahan yihiin inay dib u eegis qoto-dheer ku sameeyaan dhabbaha ay ku socdaan. Waa inay dib u firaan hannaanka wada-tashiga guud, iyadoo talada laga dhigayo mid ay u dhan yihiin aqoonyahanka, odayaasha dhaqanka, dhallinyarada, iyo dhammaan qaybaha halganka qaybta ka ahaa. Kaliya marka la helo midnimo gudaha ah iyo miis wada-tashi oo furan, ayaa deegaanku wuxuu awood u yeelan doonaa inuu miis-xaajoodka heer federaal la fariisto awood isku-kalsooni iyo qorshe cad oo ku salaysan “wixii aan bixinnay iyo waxa aan ka helayno.” Hadaynaan taladeena sixin oo aynaan dib isugu noqon, kooxda hada taladu u af duuban tahay waxay ina dhaxalsiin doonaan in dheeman la inoogu badalo quraarad.Wabilaahi Towfiiq.

✍️W/Q Maxamud Yusuf Gurey

- Advertisement -

Read more

Local News