30.9 C
Mogadishu
Sunday, May 24, 2026

Puntland oo xabsiga dhigtay sarkaal ciidan oo sameeyay…

Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa xabsiga dhigay sarkaal ka tirsan ciidamada Daraawiishta Puntland, kadib markii uu warbaahinta ka sheegay cabashooyin la xiriira mushaar la’aan iyo xaalado adag oo ay wajahayaan ciidamada ku sugan magaalada Garoowe.

Sarkaalkan oo lagu magacaabo Gaashaanle Cabdiraxmaan Cabdirisaaq Wayrax ayaa maalmo kahor si fagaare ah uga hadlay duruufaha nololeed iyo caafimaad ee haysta ciidamada Daraawiishta, gaar ahaan kuwa ku sugan xerada 54-aad ee magaalada Garoowe.

Gaashaanle Wayrax ayaa sheegay in ciidamada qaarkood aysan wax mushaar ah qaadan muddo gaareysa 24 bilood, taas oo uu ku tilmaamay xaalad si weyn u saameysay nolosha, caafimaadka iyo niyadda ciidamada Puntland.

Sarkaalkan ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in saraakiil ka tirsan ciidamada Daraawiishta ay dhawaan ugu geeriyoodeen magaalada Garoowe xaalado caafimaad darro, kadib markii, laga saaray isbitaallada sababo la xiriira dhaqaale la’aan iyo awood darro ay ku bixiyaan qarashaadka caafimaadka, sida uu sheegay.

Qoyska Gaashaanle Wayrax ayaa warbaahinta u sheegay in shalay barqadii looga yeeray taliska xerada 54-aad, isla markaana markii uu halkaas gaaray lagu wargeliyay inuu xiran yahay. Waxay sheegeen in hadda lagu hayo xabsi ku dhex yaalla xeradaasi.

Saraakiil ku dhow dhow sarkaalkan la xiray ayaa dhankooda u sheegay Caasimada Online in amarka xarigga uu ka yimid madaxtooyada Puntland, inkastoo aysan jirin wax war rasmi ah oo arrintan kasoo saareen laamaha ammaanka ama madaxtooyada.

Xarigga Gaashaanle Wayrax ayaa si weyn looga hadal hayaa gudaha Puntland, iyadoo dad badan ay ku tilmaameen tallaabadaasi mid lagu caburinayo cabashooyinka ciidamada ee ku saabsan mushaar la’aanta iyo adeegyada aas-aasiga ah ee ay waayeen.

Arrintan ayaa kusoo aadeysa xilli ay sii kordhayaan cabashooyinka ka imaanaya qaar kamid ah ciidamada Puntland, kuwaas oo muddooyinkii dambe ka hadlayay dib u dhac ku yimid mushaarka, xaalado nololeed oo adag iyo adeeg caafimaad oo liita.

- Advertisement -

Read more

Local News