Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kahyre oo maanta ka hadlay shir jaraa’id oo ay mucaaradka ku qabteen Muqdisho ayaa digniin culus u diray taliyaha qaybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir Macallin Mahdi oo maalmahan howlgal ka waday caasimada.
Khayre ayaa sheegay in Macallin Mahdi uu ka shaqeeyay in lasoo xir-xiro dhalinyaro cabiray fikirkooda, isla markaana uu u shaqeynayo Madaxweyne Xasan Sheekh oo uu tilmaamay inuu dhamaaday muddo xileedkiisa.
Ra’iisul wasaarihii hore ayaa sheegay in ay diyaarinayaan liiska saraakiisha ku howlan ku xadgudubka shacabka, ayna u gudbin doonaan caalamka.
“Booliska gobolka Banaadir oo uu hoggaamiy Macallin Mahdi ee dhalinarada soo xir-xiraayo waxaan leeyahay ka jooga, Golaha Mustaqbalka Soomaliyeed waxay go’aansadeen shaqana ka wadaan inaan sameyno liis dhammaystiran oo dadka Soomaaliyeed iyo dunidaba lala wadaagi doono saraakiisha dhalinyarada Soomaaliyeed beegsata,” ayuu yiri Xasan Cali Khayre.
Sidoo kale, wuxuu ka digay howlgalka ciidamada ee habeennadii lagu beegsado guryaha dadka shacabka ah, isaga oo tilmaamay in dad badan lagu dhibaateeyay, sida uu hadalka u dhigay.
“Waan ka digeynaa dhaqanka soo kordhay ee dadka Saq dhexe Guryahooda loogu dhacayo iyadoo lagu gambanayo baaritaan, Maxaa 4-sano Baaritaan loo sameyn waayey?” ayuu mar kale yiri Mudane Xasan Cali Khayre.
Musharraxa oo hadalkiisa sii wata ayaa sii raaciyay “Dowladdu ma awoodo shacabka Soomaaliyeed oo dhan inay xirto dhalinyaradu waa inay dhiiranaaan muujiyaan ogow xuquuqdaada adiga oo fadhiyo kuu imaan mayso”.
Si kastaba, Mucaaradka ayaa maalmahan ku doodayay in Xasan uu sharci darro ku joogo Villa Somalia, isla markaana uu yahay Madaxweyne hore oo lamid ah madaxdii dalka soo martay, sida ay hadalka u dhigeen.
Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad xasaasi ah, iyadoo weli la’isku hayo hannaanka doorashooyinka iyo wax ka beddelka dastuutka kumeel gaarka ah.

