27.8 C
Mogadishu
Monday, May 25, 2026

Cirro: Waa laba wajiilenimo in la aqoonsado Falastiin, oo loo diido Somaliland

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), ayaa Britain ku eedeeyay inay ku dhaqmayso laba wajiilenimo, kadib markii ay aqoonsatay dowladda Falastiin balse ay weli diiddan tahay inay aqoonsato Somaliland.

Cirro oo wareysi siiyay wargeyska The Telegraph ayaa sheegay in Somaliland ay Britain ka fileyso taageero, isaga oo sabab uga dhigay xiriirka taariikhiga ah ee Hargeysa iyo London, doorashooyinka ka dhacay Somaliland iyo xasilloonida ay sheegato tan iyo markii ay ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya sanadkii 1991.

“Xiriirka naga dhexeeya Britain waa mid aan la jebin karin, balse waxaan ka fileynaa Britain inay na aqoonsato,” ayuu yiri Cirro. “Haddii Britain ay taageerto xuquuqda aadanaha, xorriyadda hadalka iyo xasilloonida dimoqraadiyadeed, waa inay na siisaa taageeradeeda.”

Somaliland waxay ahaan jirtay maxmiyad British ah ka hor inta aysan xornimada qaadan sanadkii 1960, kadibna ay la midoobin Koonfurta Soomaaliya oo Talyaanigu maamuli jiray, si loo dhiso Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Hargeysa ayaa sanadkii 1991 dib ugu dhawaaqday gooni-isu-taag kadib burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya, balse weli ma helin aqoonsi caalami ah oo ballaaran.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku adkeysanaysa in Somaliland ay ka mid tahay dhulkeeda, waxayna marar badan ka digtay in dalal shisheeye ay qaadaan tallaabo kasta oo sharciyeyn karta gooni-isu-taagga Hargeysa.

Eedeynta laba wajiilenimada

Cirro ayaa Britain ku eedeeyay isburin siyaasadeed, isaga oo sheegay in London ay aqoonsatay Dowladda Falastiin balse ay diidday Somaliland.

Sida uu qoray The Telegraph, Cirro ayaa ku dooday in Somaliland ay buuxisay shuruudaha dowladnimo ee lagu xusay Axdiga Montevideo, oo ay ka mid yihiin dad joogto ah, dhul la yaqaan, dowlad shaqeyneysa iyo awood ay xiriirro diblomaasiyadeed kula yeelan karto dalal kale.

Mas’uuliyiinta Somaliland ayaa muddo dheer ku doodayay in Hargeysa ay dhistay hay’ado ka xasilloon kuwa dalal badan oo aqoonsi haysta, iyaga oo tusaale u soo qaata doorashooyin soo noqnoqday, ciidamo u gaar ah, baarlamaan, maxkamado iyo lacag u gaar ah.

Laakiin Britain ayaa weli qabta in xaaladda Somaliland lagu xalliyo wada-hadal dhex mara Muqdisho iyo Hargeysa. London waxay taageertaa madax-bannaanida, midnimada dhuleed iyo wadajirka Soomaaliya, mowqifkaas oo ay sidoo kale qabaan Midowga Afrika iyo inta badan dowladaha reer Galbeedka.

Arrintaas ayaa caro ku abuurtay hoggaanka Somaliland, oo ku doodaya in in ka badan 30 sano oo is-maamul ah ay ka miisaan badnaan karto mowqifka beesha caalamka ee ku dhisan ilaalinta xuduudihii Soomaaliya.

Muranka ayaa sii xoogaystay kadib markii Israel ay aqoonsatay madax-bannaanida Somaliland, tallaabo ay dowladda Soomaaliya ku tilmaantay xadgudub ka dhan ah madax-bannaanideeda iyo midnimadeeda dhuleed.

Cirro ayaa difaacay xiriirka Hargeysa iyo Israel.

“Bilowgii hore, xiriirkeenna wuxuu ahaa mid furan, daacad ah oo saaxiibtinimo leh,” ayuu u sheegay The Telegraph. “Kuwa na dhaliilaya arrimahooda ha ku ekaadaan. Waxaan sanadkan booqasho rasmi ah ku tagi doonaa Qudus.”

Muhiimadda Badda Cas

Goobta ay Somaliland ku taallo ayaa doodda aqoonsiga siisay miisaan istaraatiiji ah oo cusub.

Xeebteeda waxay ku wajahan tahay Gacanka Cadmeed, waxayna u dhowdahay marin-biyoodka Bab al-Mandab, oo isku xira Badda Cas iyo Badweynta Hindiya. Marin-biyoodkaas ayaa si gaar ah muhiim u noqday tan iyo markii kooxda Xuutiyiinta Yemen ay billaabeen weerarro ka dhan ah maraakiibta isaga kala goosha gobolka.

Dekedda Berbera, oo ah dekedda ugu weyn Somaliland, ayaa sidoo kale soo jiidatay danaha quwadaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah, kadib maalgelin weyn oo ay ku sameysay shirkadda DP World ee Imaaraadka Carabta.

Hargeysa waxay rajeyneysaa in Berbera ay noqoto marin ganacsi oo muhiim u ah Itoobiya, isla markaana ay noqoto beddel istaraatiiji ah oo la tartama Jabuuti, oo ay ku sugan yihiin danaha amni ee Mareykanka iyo Shiinaha.

The Telegraph ayaa qoray in falanqeeyayaal ay sheegeen in Washington ay eegayso fursado ku saabsan Somaliland, taas oo qeyb ka ah dadaal ballaaran oo lagu xakameynayo saameynta Shiinaha ee Badda Cas.

“Waa ciyaar istaraatiiji ah oo weyn, iyadoo Washington ay isku dayeyso inay Shiinaha ku xakameyso Badda Cas,” ayuu wargeyska u sheegay falanqeeyaha gobolka Rashid Abdi. “Hormuz wuxuu muujiyay muhiimadda marin-biyoodyada.”

Somaliland ayaa sidoo kale xiriir dhow la yeelatay Imaaraadka Carabta, oo danihiisa dekedaha iyo saadka ee Berbera ay xoojiyeen booska Hargeysa ee gobolka. Turkiga, Qatar, Shiinaha iyo dalal kale oo Khaliijka ah ayaa iyaguna saameyn ku leh Soomaaliya iyo Geeska Afrika.

Halista xiisad cusub

Inkasta oo Somaliland ay dardar gelisay ololaheeda aqoonsi, haddana arrintaas waxay weli tahay mid siyaasadeed oo qarax dhalin karta.

Soomaaliya waxay sheegtay in aqoonsi kasta oo la siiyo Somaliland uu jabinayo madax-bannaanideeda, isla markaana uu halis gelinayo xasilloonida gobolka. Midowga Afrika ayaa isaguna muddo dheer ka digayay in wax laga beddelo xuduudihii gumeysiga, isaga oo ka cabsi qaba in hal gooni-isu-taag oo la aqoonsado uu dhiirrigelin karo kuwa kale oo ka dhasha qaaradda.

Sheegashada dhuleed ee Somaliland ayaa sidoo kale wajahaysa caqabado ka jira bariga, halkaas oo maamulka Waqooyi Bari, oo hore loo oran jiray Khaatumo State, uu gacanta ku hayo dhul ballaaran, isla markaana ah qeyb ka mid ah nidaamka federaalka Soomaaliya.

Murankaas ayaa dhaawacaya doodda Hargeysa ee ah inay si buuxda oo aan lagu muransaneyn u maamusho dhammaan dhulka ay sheegato.

Omar Mahmood, oo ah falanqeeye sare oo ka tirsan International Crisis Group, ayaa The Telegraph u sheegay in Britain ay dan ku leedahay inay xiriir la yeelato Soomaaliya iyo Somaliland labadaba, iyada oo aan dhinac dooran.

“Looma baahna in dhinac la doorto,” ayuu yiri. “Marka laga eego dhinaca amniga, Britain waxay dano ku leedahay Soomaaliya, oo ay khatar ku tahay Al-Shabaab, iyo Somaliland.”

Wuxuu ka digay in aqoonsi degdeg ah uu sii hurin karo xiisadaha.

“Uma maleynayo in in laga hormaro aqoonsiga Somaliland ay wax tar leedahay,” ayuu yiri Mahmood. “Waxay abuuri kartaa dagaal wakiillo, taas oo ah waddo khatar ah.”

- Advertisement -

Read more

Local News