Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta Madaxtooyada Soomaaliya ka qabsoomay kulan muhiim ah oo u dhexeeyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubno ka socday bulshada rayidka ah ee Soomaaliyeed.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dhammaystirka hannaanka dimuqraadiyadeed ee dalka, xoojinta dowladnimada iyo horumarka laga sameeyey dhinacyada amniga, maamul wanaagga iyo hirgelinta doorashooyinka qof iyo codka ah.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay bulshada rayidku ku leeyihiin dhismaha dowlad casri ah, ilaalinta midnimada qaranka iyo kobcinta ka qaybgalka shacabka ee geeddi-socodka dimuqraadiyeynta dalka.
Waxa uu sidoo kale sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay mudnaan gaar ah siinayso dhismaha hay’adaha dowladda, horumarinta adeegyada bulshada iyo xaqiijinta hannaan doorasho oo toos ah, si shacabka Soomaaliyeed ay u helaan xuquuqdooda dastuuriga ah.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in bulshada rayidka ahi ay laf-dhabar u tahay dadaallada lagu xoojinayo nabadda iyo dib-u-heshiisiinta, isaga oo bogaadiyey doorka ay ka qaadanayaan wacyigelinta bulshada, ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta iyo horumarinta wadajirka bulshada Soomaaliyeed.
Kulanka ayaa sidoo kale lagu falanqeeyey sidii loo dardar-gelin lahaa wada-shaqaynta u dhaxaysa dowladda iyo bulshada rayidka, si loo xoojiyo kalsoonida shacabka iyo taageerada ay u hayaan hay’adaha dowladda.
Dhankooda, xubnaha bulshada rayidka ah ayaa Madaxweynaha la wadaagay talooyin iyo aragtiyo ku saabsan xoojinta dimuqraadiyadda, daahfurnaanta dowladnimada, horumarinta adeegyada bulshada iyo adkaynta wada shaqaynta dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.





