Muqdisho (Caasimada Online) – Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa shaaca ka qaaday in dhawaan maxkamad la horgayn doono Sacdiyo Macalin Cali Xasan, oo ahayd darawalad mooto Bajaaj, si looga go’aan gaaro kiiskeeda.
Xeer Ilaaliyahay ayaa sheegay in kiiskeedu marayo heer gaba-gabo ah oo dhinaca baarista iyo dacwad-oogista ah, iyada oo uu sheegay in hay’adaha caddaaladdu ay dhameystireen inta badan habraacyadii la xiriiray baarista kiiska, isla markaana hadda la sugayo jadwalka dhageysiga dacwadda ee maxkamadda awoodda u leh.
Xeer Ilaaliyaha ayaa sidoo kale ka hadlay wararka la xiriira kiiska Sacdiyo, isagoo sheegay in muddooyinkii dambe ay soo bateen xogaha aan saxda ahayn ee lagu faafinayo baraha bulshada iyo warbaahinta qaarkood, kuwaas oo uu ku tilmaamay kuwo dhaawacaya kalsoonida lagu qabo hay’adaha caddaaladda iyo amniga dalka.
Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa sheegay in Sacdiyo la xiray 21-kii April 2026, isla markaana muddo 48 saacadood gudahood ah lagu horgeeyay maxkamad, si waafaqsan qodobada dastuurka dalka. Wuxuu xusay in maxkamaddu markaas dhageysatay warbixintii hordhaca ahayd ee baarista, kadibna ay sharciyeysay xariggeeda.
Waxa uu intaas ku daray in hay’adaha baaristu ay si rasmi ah ugu wareejiyeen faylka dacwadda xafiiska xeer ilaalinta, halkaas oo laga sii gudbiyey maxkamadda awoodda u leh qaadista kiiska, iyadoo la filayo in dhawaan si rasmi ah loo guda galo dhageysiga dacwadda.
Xeer Ilaaliyaha Guud ayaa muujiyey walaac uu ka qabo waxa uu ku tilmaamay kororka wararka been-abuurka ah iyo marin-habaabinta bulshada, isagoo sheegay in arrimaha noocaas ah ay saameyn ku yeelan karaan sumcadda hay’adaha dastuuriga ah iyo kalsoonida dadweynaha.
“Xorriyadda hadalka iyo helitaanka macluumaadka waa xuquuq uu damaanad qaaday dastuurku, balse waa in aan lagu xadgudbin amniga qaranka, badqabka bulshada iyo xuquuqda dadka kale,” ayuu yiri Xeer Ilaaliyaha Guud.
Sidoo kale, wuxuu carrabka ku adkeeyey in dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ay sharciga hortiisa u siman yihiin, isla markaana qof kasta oo loo haysto fal-dambiyeed uu leeyahay xuquuqaha difaaca iyo helitaanka caddaaladda oo uu dammaanad qaaday dastuurka dalka.
Hadalkan kasoo baxay Xeer Ilaaliyaha Guud ee Soomaaliya ayaa imanaya ku dhowaad 24 saac kadib markii Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ay Dowladda Federaalka ku eedeeyeen caburin siyaasadeed, xarig sharci-darro ah iyo cadaadis lagu hayo dhalinyarada iyo shacabka Soomaaliyeed.
Golaha ayaa sheegay in nidaamka hadda jira uu ku shaqeynayo cabsi-gelin iyo awood adeegsi, eedeymahaas oo dowladda aysan weli si rasmi ah uga jawaabin.

