30.9 C
Mogadishu
Tuesday, May 26, 2026

1.5 Milyan oo Muslimiin ah oo maanta taagan buurta Carafo

Bookmark
Bookmarked

Share

Makka (Caasimada Online) – Muslimiinta ayaa maanta oo Talaado ah ku tukanayo Buurta Carafo, halkaas oo ah gundhigga iyo meesha ugu sarreysa ee gudashada acmaasha xajka, iyadoo maalinta beri ay ku beegan tahay maalinta 10-aadka ee Udxiyada loona dabaal degayo Ciida.

Tan iyo markii ay waagu baryey, boqolaal kun xujey ah oo xiran dharka cad ee ixraamka ayaa aayado ka tirsan Qur’aanka kariimka ah ku dhex akhrisanayey buurta Carafo oo dhererkeedu yahay 70 mitir, kuna dhow magaalada Maka. halkaas oo Nebi Muxammad (Naxariis iyo Nabadgelyo Eebbe Alaha Ha Siiyo) uu ka jeediyey khutbaddiisii ugu dambaysay.

Markay ka baxaan Buurta Carafo, xujeydu waxay habeenka u hoyan doonaan Musdalifa, halkaas oo ay ka soo uruurin doonaan dhagaxaan yar yar oo ay u isticmaali doonaan rasmiga astaanta  sheeydaan tuurka ee ka bilaabanaysa dooxada Mina maalinta Arbacada ah.

In ka badan 1.5 milyan oo qof ayaa waajibaadka Xajka sannadkan gudanaya, inkastoo ay jirto xiisada dagaalka Bariga Dhexe ee  dowladdaha Maraykanka iyo Israa’iil ay ku qaadeen dalka Iiraan.

Ciidamada ammaanka iyo kooxaha garoonka ku sugnaa ayaa maareynayay socodka dadweynaha ee waddooyinka gawaarida iyo kuwa dadka lugaynaya, halka dhammaan adeegyadii caafimaadka, ambalaasta, iyo agabkii kale ee loogu talagalay caawinta xujeyda ay si buuxda u diyaarsanaayeen.

Xajka, oo ka mid ah shanta Tiir ee Islaamka, waa inuu gudaa ugu yaraan hal mar qof kasta oo Muslim ah oo awood u leh.

Heer kulka magaalada Makka ayaa gaaray 44 digrii maalmihii la soo dhaafay, iyadoo mas’uuliyiinta Sacuudigu ay ku booriyeen xujeyda inay cabbaan biyo badan, iskana ilaaliyaan qorraxda inta lagu guda jiro acmaasha u badan bannaanka, kuwaas oo qaadan kara shan maalmood ama ka badan si loo dhammaystiro.

In ka badan 30,000 oo reer Iiraan ah ayaa u sanadkaan xajinaayo, taas oo qiyaastii ah saddex meelood meel ka mid ah 86,000 oo markii hore la filayay. Wakaaladda wararka rasmiga ah ee Iiraan IRNA ayaa sheegtay in xaaladda rasmiga ah ee dagaalka ay tahay sababta keentay hoos u dhacaas.

In kasta oo uu dagaalku jiro, mas’uuliyiinta Sacuudiga ayaa dhammaadkii toddobaadkii hore sheegay in xujaaj ka badan kuwii sannadkii 2025 ay sannadkan dibadda ka yimaadeen.

- Advertisement -

Read more

Local News