29.9 C
Mogadishu
Thursday, May 28, 2026

Trump oo ku hanjabay in uu dhulka la simi doono Cumaan

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Arbacadii ku hanjabay in uu dhulka la simi doono Cumaan, oo ah xulufo Mareykan ah, haddii ay Iran kala safato arrinta dib u furista marin-biyoodka Hormuz.

Trump ayaa sheegay in Cumaan ay tahay inay “u dhaqanto si wanaagsan”, haddii kale uu “dhulka la simi doono”, xilli la weydiiyay in uu aqbali doono heshiis ku-meel-gaar ah oo Iran iyo dowladda Khaliijka ee Cumaan u oggolaanaya inay maamulaan marin-biyoodkaas.

“Maya, marin-biyoodka waa inuu u furnaadaa qof kasta,” ayuu Trump u sheegay wariyeyaal intii lagu jiray shir golaha wasiirrada uu kula yeeshay Aqalka Cad.

“Waa biyo caalami ah, Cumaan-na waxay u dhaqmi doontaa sida dadka kale oo dhan, haddii kale waa inaan qarxinnaa. Way fahamsan yihiin taas, way is-toosin doonaan,” ayuu yiri.

Aqalka Cad si degdeg ah ugama jawaabin markii wakaaladda wararka AFP ay weydiisay in Trump uu hadalka si khaldan u yiri, isla markaana uu ula jeeday Iran halkii uu ka magacaabi lahaa Cumaan.

Cumaan ayaa ah xulufo muhiim u ah Mareykanka, waxayna isku dayday inay dhex-dhexaadiso dagaalka Bariga Dhexe, iyadoo sidoo kale hore weerar uga soo gaaray Tehran.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa markii dambe baahisay muuqaal iyo qoraal laga soo qaatay hadalka Trump ee ku saabsanaa Cumaan, iyada oo aan raacin wax sixid ama caddeyn ah.

Trump, oo 79 jir ah, ayaa horraantii isla shirka u muuqday inuu isku khalday Iran iyo Venezuela, kadib markii uu sheegay in dalkaas ku yaalla Koonfurta Ameerika, oo hoggaamiyihiisii Nicolas Maduro ay ciidamada Mareykanka xilka ka tuureen bishii January, “uusan lahayn ciidan badeed iyo ciidan cirka ah” midna.

Trump ayaa marar badan weedho noocaas ah u adeegsaday Iran, oo Mareykanka iyo Israel ay weerareen 28-kii February.

Iran ayaa muujisay inay dooneyso inay xaqiiqo cusub ka abuurto marin-biyoodka Hormuz, oo sida caadiga ah ay maraan shan meelood meel saliidda adduunka, iyadoo doonaysa inay lacag ka qaaddo maraakiibta halkaas maraya, dakhligaasna la wadaagto Cumaan.

Trump ayaa si isa soo taraysa uga carooday dib u dhaca ku yimid wada-hadallada lagu doonayo in lagu soo afjaro dagaalka Bariga Dhexe, laguna furo marin-biyoodka Hormuz, maalmo kaliya kadib markii uu sheegay in heshiis uu dhow yahay.

Xiisadda cusub ayaa muujineysa sida marin-biyoodka Hormuz uu weli u yahay xudunta muranka u dhexeeya Mareykanka iyo Iran, iyadoo hadalka Trump uu markan si toos ah u taabtay Cumaan, oo Washington u aragto xulufo muhiim ah balse sidoo kale xiriir iyo door dhexdhexaadin la leh Tehran.

Dhinaca kale, Washington ayaa sheegtay in howlgallo cusub oo milateri ay ka fulisay gudaha Iran, gaar ahaan meel u dhow Bandar Abbas, halkaas oo lagu bartilmaameedsaday xarun lagu maamulayey diyaarado aan duuliye lahayn.

Mas’uul Mareykan ah ayaa sheegay in weerarradaas lagu burburiyay diyaarado aan duuliye lahayn iyo xarun maamul, isaga oo ku tilmaamay tallaabo difaac ah oo looga hortagayo khatar ku soo wajahan ciidamada Mareykanka iyo maraakiibta ku sugan gobolka.

Iran ayaa dhankeeda ku eedeysay Washington inay ku xadgudubtay xabbad-joojin jilicsan oo hore loo sheegay inay dhaqan gashay, iyadoo sidoo kale ku adkeysatay in aysan ka tanaasuli doonin shuruudaha ay ku xirtay heshiis kasta oo lagu furayo marin-biyoodka Hormuz.

Trump ayaa maalmihii la soo dhaafay sheegayay in heshiis lagu xallinayo xiisadda uu dhow yahay, balse wuxuu Arbacadii muujiyay caro sii kordheysa kadib markii wada-hadallada ay mar kale istaageen.

Ilaa hadda, Cumaan si rasmi ah ugama jawaabin hadalka Trump. 

- Advertisement -

Read more

Local News