Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Xaaladda guud ee deegaannada dowlad-goboleedka Galmudug ayaa ah mid deggan, xilli saacadihii lasoo dhaafay la isla dhex marayay warar la xiriira dhaq-dhaqaaqyo amni iyo ciidan oo la geeyay caasimadda maamulkaasi ee Dhuusamareeb.
Ilo xog-ogaal ah oo ku sugan Dhuusamareeb ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay inaysan jirin ciidamo dheeraad ah oo gaaray magaalada, isla markaana xaaladda amni ay tahay mid deggan.
Ilo-wareedyadu waxay sheegeen in ammaanka magaalada ay si caadi ah u sugayaan hay’adaha amniga ee heer federaal iyo kuwa dowlad-goboleedka Galmudug.
Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya Dhuusamareeb ayaa tilmaamaya in magaalada aysan ka jirin wax xiisad amni ah, iyadoo sidoo kale halkaasi uu ku sugan yahay madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), oo weli sii wada howlihiisa maamulka.
Dhanka kale, waxaa magaalada iyo guud ahaan Galmudug ka socda dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashooyinka soo socda ee maamulkaasi.
Musharixiin dhowr ah ayaa la sheegay inay bilaabeen ololayaal iyo kulamo siyaasadeed oo ay ku doonayaan inay taageero uga helaan qaybaha kala duwan ee bulshada iyo siyaasiyiinta deegaanka.
Doorashada Galmudug ayaa lagu wadaa, sida qorshuhu yahay, inay qabsoonto 20-ka bisha June 2026, markaas oo loo dareeri doono codbixinta doorashada golayaasha deegaanka iyo xubnaha Baarlamaanka dowlad-goboleedka.
Sidoo kale, jadwalka doorashooyinka ayaa muujinaya in doorashada guddoonka Baarlamaanka Galmudug la qaban doono 2-da bisha July, halka doorashada madaxweynaha dowlad-goboleedkaasi loo asteeyay 9-ka July.
Doorashooyinkan ayaa noqon doona kuwii ugu horreeyay ee Galmudug uga dhaca hannaan qof iyo cod ah, waxaana socda diiwaangelinta codbixiyeyaasha iyo diyaar-garowga xisbiyada siyaasadeed ee doonaya inay ka qayb galaan tartanka doorashada.
Mas’uuliyiinta maamulka Galmudug iyo hay’adaha doorashooyinka ayaa dhinacooda wada dadaallo lagu xaqiijinayo in doorashooyinku ku dhacaan jawi amni iyo xasillooni leh, iyadoo indhaha siyaasadda Soomaaliya ay si gaar ah ugu jeedaan habka ay u qabsoomaan doorashooyinka maamulkaasi.

