Muqdisho (Caasimada Online) – Midowga Yurub ayaa ugu baaqay madaxda siyaasadda Soomaaliya inay si degdeg ah dib ugu bilaabaan wada-hadallada lagu raadinayo xal la xiriira hannaanka doorashooyinka dalka, xilli ay weli taagan yihiin khilaafaadka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda federaalka iyo mucaaradka.
Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya, Francesca Di Mauro ayaa sheegtay in Midowga Yurub uu xiriir joogto ah la leeyahay dhammaan dhinacyada siyaasadda Soomaaliya, isla markaana uu dhiirrigelinayo wada-hadalka sidii waddada ugu habboon loogu xallin karo murannada siyaasadeed ee taagan.
Danjire Di Mauro ayaa sheegtay in Midowga Yurub aanu qaadanayn mowqif dhinac gaar ah lagu taageerayo, balse uu xoogga saarayo sidii dhinacyada isku haya arrimaha doorashooyinka loogu qancin lahaa inay miiska wada-hadalka dib ugu soo laabtaan.
“Ma qaadanno mowqif dhinac gaar ah lagu taageerayo. Waxa aan dhiirrigelinaynaa waa wada-hadal,” ayay tiri Danjiraha Midowga Yurub, iyadoo xustay inay aaminsan yihiin in khilaafaadka siyaasadeed lagu xallin karo wada-xaajood iyo is-afgarad laga gaaro arrimaha muranka dhaliyay.
Francesca Di Mauro ayaa sheegtay in Midowga Yurub uu doonayo in dhammaan dhinacyada siyaasadda Soomaaliya ay ka qeyb galaan wada-hadallada marka dib loo bilaabo, si loo gaaro natiijooyin wax ku ool ah oo lagu xallin karo ismari-waaga ka taagan geeddi-socodka doorashooyinka.
Danjiraha ayaa mar kale ku celisay baaqa ku aaddan in si degdeg ah dib loogu bilaabo wada-hadallada la xiriira doorashooyinka Soomaaliya, iyadoo tilmaantay muhiimadda ay leedahay in la helo waddo siyaasadeed oo lagu wajahayo xaaladda cakiran ee taagan.
“Waxaan rabaa inaan ka faa’iideysto fursaddan si aan mar kale u caddeeyo inaan rajeynayno in wada-hadalladu si dhaqso leh dib ugu bilowdaan si loo helo waddo horay loogu socdo oo ku saabsan doorashooyinka Soomaaliya,” ayay hadalkeeda sii raacisay.
Hadalka kasoo baxay Danjiraha Midowga Yurub ayaa kusoo aadaya xilli Soomaaliya ay weli ka jirto xiisad siyaasadeed oo la xiriirta nooca doorashooyinka dalka, doorka saamileyda siyaasadeed iyo baahida loo qabo in dowladda federaalka, mucaaradka iyo dowlad-goboleedyada ay gaaraan is-afgarad mideysan oo lagu wajahayo doorashooyinka soo socda.

