29.9 C
Mogadishu
Saturday, May 30, 2026

DF Soomaaliya oo taageero wayn muujisay Kuwait kadib markii…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa taageero wayn u muujisay dowladda Kuwait, kadib markii diyaarado aan duuliye lahayn ay weerareen dalkaasi.

Bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa garab istaag buuxa loogu muujiyay dowladda Kuwait, kadib markii dhulkeeda lagu bartilmaameedsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo fuliyay weerar gantaallo ah.

Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay weerarkan, iyada oo tilmaamay inuu falkan halis ku yahay nabadda iyo xasiloonida dhammaan dalalka Khaliijka.

“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si adag u cambaareyneysaa weerarradan, waxayna markale xaqiijineysaa taageeradeeda aan leexleexadka lahayn ee ku aaddan madaxbannaanida, amniga, xasilloonida, iyo midnimada dhuleed ee Dowladda Kuwait. Falalkan waxay halis ku yihiin nabadda iyo amniga gobolka, waxayna ka hor imaanayaan mabaadi’da sharciga caalamiga ah iyo Axdiga Qaramada Midoobay,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale, Dowladda Soomaaliya ayaa ku baaqday in dalalku is xakameeyaan, isla markaana xalka diblomaasiyadeed lagu raadiyo wada-hadal iyo degannaan, si looga hortago sii socoshada weerarrada noocaan oo kale ah.

“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si buuxda ula taagan tahay Dowladda iyo shacabka Kuwait, iyadoo ku baaqeysa in la muujiyo is xakameyn, wada-hadal, iyo xal diblomaasiyadeed si looga hortago sii xumaanshaha xaaladda loona ilaaliyo nabadda, amniga, iyo xasilloonida gobolka Khaliijka,” ayaa la sii raaciyay qiraalka wasaaradda arrimaha dibadda.

Maalmo kahor sidaan oo kale dowladda Soomaaliya ayaa u cambaareysay sku day weeraro loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo lagu bartilmaameedsaday Boqortooyada Sacuudi Carabiya, kuwaas oo la qabtay lana burburiyey kadib markii ay galeen hawada dalkaasi.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale xilligaas adkeysay in weerarrada lagu beegsanayo amniga dowladaha iyo kaabeyaasha muhiimka ah ay wiiqayaan xasilloonida wadajirka ah ee gobolka, isla markaana ay halis gelinayaan sii kordhinta xiisadaha ka jira gobolka loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, waxaana ugu dambeeyay gantaallada lagu gaaraacay Kuwait.

- Advertisement -

Read more

Local News