Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa maanta qaaday tallaabo culus oo ka dhan ah Somaliland, kadib markii ay joojisay munaasabad lagu maamusayay xuska 18-ka May oo lagu waday inay ka dhacdo magaalada Nairobi ee caasimada dalkaasi.
Sida qorshuhu ahaa munaasabadda ayaa loo qorsheeyay in lagu xuso waxa ay Somaliland ugu yeerto maalinta gooni-isu-taagga, hase yeeshee dowladda Kenya ayaa hakisay qabsoomideeda, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.
Wararka ayaa intaas kusii daraya in ciidanka Booliska ay sidoo kale xir-xireen qaar ka mid ah howlwadeennadii ku lugta lahaa diyaarinta iyo abaabulka xafladda, kadib markii ay ka dhaga adeegeen amarka kasoo baxay dowladda.
Tallaabadan ayaa noqotay tii ugu horreysay ee dowladda Kenya si rasmi ah uga hortagto munaasabad la xiriirta xuska 18-ka May oo lagu qaban lahaa gudaha dalkeeda.
Kenya ayaa xiriir la leh Somaliland, iyada oo xukuumadda Hargeysa uu wakiil u joogo magaalada caasimada ah ee Nairobi, balse arrintan soo korortay ayaa loo arkaa mid saameynteeda leh marka loo eego dhanka diblomaasiyadda.
Somaliland ayaa sanad kasta u dabaal degta maalinta 18-ka May, iyada oo sanadkan magaalada Hargeysa iyo guud ahaan deegaannada kale si weyn looga xusay sannad-guurada 35-aad ee aas aaska Somaliland.
Si kastaba ha’ahaatee, Xuska 18-ka May ayaa sanadkan kusoo aaday iyada oo Somaliland ay aqoonsi ka heshay maamulka Israa’iil, kaas oo dhaliyay xiisad xooggan, maadaama ay ka hortimid Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.
“Waxaa farxad gaar ah innoo ah in maanta uu yahay xuskii koowaad ee aynu xuseyno 18-ka May, iyada oo aynu nahay Jamhuuriyadda Somaliland ee la aqoonsan yahay,” ayuu dhawaan yiri Madaxweynaha Maamulka Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullahi (Cirro) oo khudbad u jeediyay shacabkiisa.

