28 C
Mogadishu
Sunday, May 31, 2026

Mareykanka iyo Israel oo wada qorshe halis ah oo ka dhan ah Masjidka Al-Aqsa

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Qudus (Caasimada Online) – Mareykanka iyo Israel ayaa lagu eedeeyay inay “si firfircoon uga shaqeynayaan” qorshe Urdun looga qaadayo doorkeeda taariikhiga ah ee ilaalinta Masjidka Al-Aqsa ee magaalada Qudus, sida ay ilo-wareedyo kala duwan u sheegeen Middle East Eye.

Warbixinta ayaa sheegtay in qorshahan lagu doonayo in maamulka goobta barakeysan loo qaabeeyo hannaan cusub oo si dhow ula jaanqaadaya danaha Israel, iyadoo la soo afjarayo awoodda Waqafka Islaamiga ah ee ay taageerto dowladda Urdun.

Saraakiil Mareykan, Urduni iyo Falastiiniyiin ah, iyo sidoo kale ilo reer galbeed iyo kuwo ka tirsan dalalka Khaliijka, ayaa Middle East Eye u sheegay in qorshaha ay riixayaan Jared Kushner, oo ah wiilka uu soddoga u yahay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, iyo safiirka Mareykanka ee Israel Mike Huckabee.

Kushner xil rasmi ah kama hayo maamulka Trump, balse warbixintu waxay sheegtay inuu qeyb ka yahay dadaalka lagu doonayo in qaab cusub loogu sameeyo maamulka Masjidka Al-Aqsa.

Sida ay ilo wareedyadu sheegeen, qorshaha waxaa ku jira in si lama filaan ah loo joojiyo awoodda Waqafka Islaamiga ah, kadibna dowladda Israel ay dhisto hay’ad cusub oo ku dhawaaqda in Masjidka Al-Aqsa uu yahay “xarun diimo badan”.

Qorshaha ayaa sidoo kale lagu sheegay in Yuhuudda la siin doono “fursad siman” oo ay ku galaan goobta Muslimiinta, isla markaana si rasmi ah loogu oggolaan doono salaado Yuhuud ah oo kooxo waaweyn ah ay ku tukadaan gudaha dhismaha Al-Aqsa.

Warbixintu waxay intaas ku dartay in Israel ay door weyn ku yeelan doonto magacaabista imaamyada, khudbad-jeediyeyaasha iyo madaxda sare ee masjidka, iyadoo sidoo kale laga qeyb gelin doono ansixinta waxyaabaha lagu xuso khudbadaha Jimcaha.

Laba sarkaal oo Mareykan ah ayaa Middle East Eye u sheegay in Washington ay diyaarisay warqad sharxaysa sida ay u aragto mustaqbalka Masjidka Al-Aqsa. Saraakiishaas ayaa sheegay in maamulka Trump uu doonayo in Al-Aqsa laga qaado aqoonsigiisa Islaamiga ah, loona beddelo goob dalxiis oo caan ah oo martigelisa saddexda diimood ee Ibraahimiga ah.

Sarkaal reer galbeed ah iyo ilo xog ogaal u ah mowqifka dowladda Urdun ayaa sheegay in qorshaha ay arkeen uu dhigayay in dalal Carbeed loo oggolaado kormeer “wareegto ah” oo ay ku yeeshaan dhismaha Masjidka Al-Aqsa.

Ilo wareedyadu waxay sheegeen in Bahrain, Masar, Morocco iyo Imaaraadka Carabta lagu wargeliyay soo jeedinta Mareykanka. Si kastaba, ilo ka tirsan dalalka Khaliijka iyo ilo kale oo xog ogaal u ah fikirka dowladda Urdun ayaa sheegay in Sacuudi Carabiya ay ka soo horjeeddo qorshahaas.

Sida ay ilo wareedyadu sheegeen, Israel ayaa markii ugu horreysay fikraddan la wadaagtay maamulka Trump ku dhowaad toban sano ka hor, balse markii Huckabee loo magacaabay safiirka Mareykanka ee Israel sanadkii hore ayuu si joogto ah Washington ugu cadaadiyay in qorshaha la dhaqaajiyo.

Huckabee, oo ah masiixi Evanjelikal ah, ayaa muddo dheer lagu yaqaanay inuu si adag u taageero Israel, isla markaana uu garab istaagay deegaannada sharci darrada ah ee Israel ka dhistay dhulka Falastiin ee la haysto.

Ilo xog ogaal u ah fikirka Amman ayaa Middle East Eye u sheegay in Mareykanku ka carooday in Urdun ay si joogto ah u adeegsato doorkeeda ilaalinta goobaha barakeysan, ayna cabasho ka muujiso tallaabooyinka Israel ka waddo Al-Aqsa.

Bishan gudaheeda, baarlamaanka Urdun ayaa cambaareeyay tallaabooyin Israel ay ku dooneyso inay ku qabsato hanti Falastiiniyiin leeyihiin iyo awqaafta Islaamiga ah ee ku dhow Masjidka Al-Aqsa.

Dhammaan ilaha ay Middle East Eye la hadashay waxay sheegeen in qorshaha cusub uusan waxba ka sheegin mustaqbalka goobaha barakeysan ee Masiixiyiinta ee Qudus.

Boqortooyada Haashimiga ah ee Urdun ayaa sidoo kale ilaalisa Kaniisadda Qiyaamaha iyo Kaniisadda Ascension. Urdun waxay sidoo kale saameyn weyn ku leedahay magacaabista Baadariga Orthodox-ka Giriigga ee Qudus.

“Qorshahan waxba kama sheegayo goobaha Masiixiyiinta, taasina waxay dhalinaysaa walaac cusub,” ayuu yiri mid ka mid ah ilaha warbixinta.

Urdun oo difaacday doorkeeda

Sarkaal ka tirsan dowladda Urdun ayaa sheegay in mowqifka Amman ee Qudus iyo goobaha barakeysan uu yahay mid “adag”, isagoo xusay in ilaalinta Haashimiyiinta ee goobahaas ay tahay mid caalami ahaan lagu aqoonsan yahay heshiisyo iyo qandaraasyo, oo uu ku jiro qodobka 9-aad ee heshiiskii nabadeed ee Urdun iyo Israel ee 1994.

Sarkaalku wuxuu sheegay in Urdun ay la shaqeyneyso Falastiiniyiinta, dalalka Carabta iyo saaxiibada caalamka si loo ilaaliyo “aqoonsiga Carbeed, Islaami iyo Masiixi” ee goobaha barakeysan, loogana hortago wax kasta oo beddelaya xaaladda taariikhiga iyo sharciga ah ee halkaas ka jirta.

Masjidka Al-Aqsa ayaa muddo tobanaan sano ah lagu maamulayay hannaan loo yaqaan status quo, kaas oo ilaalinaya in goobtu tahay meel Islaami ah.

Heshiisyadii la gaaray kadib dagaalkii 1967-kii ayaa dhigayay in Urdun iyo Israel ay ku heshiiyaan in Waqafka Islaamiga ah uu maamulo arrimaha gudaha ee dhismaha Al-Aqsa, halka Israel ay gacanta ku hayso amniga dibadda.

Dadka aan Muslimiinta ahayn waxaa loo oggol yahay inay booqdaan goobta xilliyo cayiman, balse looma oggola inay ku tukadaan.

Yuhuudda ayaa goobtan u taqaan Temple Mount, waxayna aaminsan yihiin in halkaas ay ku yaalleen laba macbad oo Yuhuuddu leedahay oo qarniyo hore la burburiyay.

Saraakiil Urduni iyo Falastiiniyiin ah ayaa sheegay in qorshaha la soo jeediyay uu u egyahay siyaasadda Israel ee Masjidka Ibraahimi ee magaalada Hebron, halkaas oo xayiraado la soo rogay kadib xasuuq uu sanadkii 1994 geystay degane Israa’iili ah ay ugu dambeyn horseedeen in goobta si rasmi ah loogu kala qeybiyo Muslimiinta iyo Yuhuudda.

Kadib xasuuqaas, Israel waxay 63 boqolkiiba goobta u qoondeysay cibaadada Yuhuudda, halka Muslimiinta loo reebay 37 boqolkiiba, inkastoo goobta ay qadariyaan Muslimiinta, Masiixiyiinta iyo Yuhuudda.

Cabsi laga qabo xiisad goboleed

Urdun, ilaalinta Masjidka Al-Aqsa iyo dhismaha ku hareereysan waxay udub-dhexaad u tahay sharciyadda boqortooyada Haashimiga lafteeda.

Doorka Urdun ee ilaalinta goobaha barakeysan ayaa markii dambe lagu aqoonsaday heshiiskii nabadeed ee Israel iyo Urdun ee 1994, kaas oo xusay “doorka gaarka ah” ee Amman ku leedahay goobaha Islaamiga ah ee Qudus.

Hase yeeshee, saraakiisha Urdun iyo hoggaamiyeyaasha Falastiiniyiinta ayaa muddo sanado ah ka digayay in nidaamkaas ay si tartiib tartiib ah u wiiqeen dowlado Israel ah oo is xigxigay iyo kooxo midig-fog oo doonaya in Yuhuuddu ay awood dheeraad ah ku yeeshaan dhismaha Al-Aqsa.

Weerarada booliska Israel ka fuliyaan gudaha dhismaha masjidka, booqashooyinka sii kordhaya ee dhaqdhaqaaqyada Yuhuudda xagjirka ah iyo baaqyada wasiirro Israel ah oo dalbanaya in Yuhuudda loo oggolaado inay ku tukadaan goobta ayaa sii huriyay eedeymaha sheegaya in Israel ay si tartiib ah u beddeleyso xaaladda hadda jirta.

Mustafa Abu Sway, oo ah ku-xigeenka madaxa golaha Waqafka, ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo saameynta sii yaraaneysa ee Urdun ku leedahay magaalada Qadiimiga ah, balse wuxuu sheegay in ilaalinta Haashimiyiinta ay tahay “tiir muhiim u ah xasilloonida gobolka”.

Wuxuu sheegay in Falastiiniyiintu ay ilaalinta Haashimiga u arkaan “xarig nololeed oo istaraatiiji ah”, isagoo xusay in Urdun ay si joogto ah u difaacday xaaladda taariikhiga ah ee goobta, gaar ahaan fagaarayaasha caalamiga ah sida UNESCO.

Maamulka Qudus ayaa sheegay inuusan ka warqabin qorshahan, balse wuxuu sheegay inuu “si buuxda u diidayo”.

Maamulka ayaa sheegay in ay jirto “koror halis ah” oo ku yimid faragelinta Israel ee shaqada Waqafka, oo ay ka mid yihiin xayiraado lagu soo rogay ilaaladiisa iyo shaqaalihiisa, iyo kororka gelitaanka degayaasha Israel ee gudaha dhismaha Al-Aqsa.

Laba ilo oo ka tirsan dalalka Khaliijka ayaa sheegay in dowladda Urdun ay u badan tahay inay ku tiirsanaan doonto taageero goboleed si ay uga hortagto qorshaha Mareykanka iyo Israel.

Mid ka mid ah ilahaas ayaa sheegay in Sacuudi Carabiya ay fahamsan tahay in tallaabo kasta oo laga qaado ilaalinta Haashimiyiinta ay “qarxin karto gobolka oo dhan”.

Middle East Eye waxay sheegtay inay xiriir la sameysay wasaaradaha arrimaha dibadda ee Bahrain, Masar, Morocco, Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta, balse aysan jawaab ka helin illaa waqtigii warbixinta la daabacay.

Kadib daabacaadda warbixinta, sarkaal Mareykan ah ayaa soo saaray hadal kooban oo uu ku beeniyay in Aqalka Cad uu si firfircoon uga shaqeynayo in Urdun laga qaado doorka ilaalinta Al-Aqsa, isagoo sheegay in warbixintu ay tahay “gebi ahaanba been”.

- Advertisement -

Read more

Local News