Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen deegaanka Hanti Wadaag ee gobolka Shabeellaha Hoose ku dilay laba xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, sida lagu sheegay war rasmi ah oo kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga.
Howl-galka ayaa lagu beegsaday xubno sare oo ka tirsanaa kooxda, iyadoo ciidamada ay ku guuleysteen inay khaarajiyaan horjooge lagu magacaabi jiray Abuu Cabdalla.
Sida ay sheegtay wasaaraddu, Abuu Cabdalla wuxuu muddo dheer ku lug lahaa abaabulka iyo fulinta falal argagixiso oo lagu dhibaateynayay shacabka ku nool deegaannada gobolka Shabeellaha Hoose.
Horjoogahan ayaa sidoo kale door muhiim ah ka ciyaarayay qorsheynta iyo hagidda dhaq-dhaqaaqyada Al-Shabaab ee ka socday qaybo ka mid ah gobolka, sida lagu sheegay warbixinta howlgalka.
Ciidamada ayaa intii uu socday howlgalka sidoo kale dilay waardiyihii gaarka ahaa ee la socday horjoogaha, taas oo kor u qaadday guusha howlgalka.
Howl-galkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee ciidanka xoogga ay ku bartilmaameedsanayaan horjoogeyaasha iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab, si loo wiiqo awoodda kooxda loogana hortago falalka ay qorsheynayaan.
Wasaaradda Gaashaandhigga iyo taliska ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in hawlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ay sii socon doonaan, iyadoo la xoojinayo dadaallada lagu ciribtirayo kooxda, laguna sugayo amniga, xasilloonida iyo badqabka shacabka Soomaaliyeed.

