Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka Dowlad-goboleedka Jubbaland, Mudane Maxamuud Sayid Aadan iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray qaybo kamid ah gobolka Gedo ayaa ka qayb-galaya gogol wadatashi ah oo looga arrinsanayo xaaladaha ka jira gobolkaas oo ay saameeyeen siyaasadaha is-diidan ee Dowladda Federaalka iyo Jubbaland.
Gogoshan ayaa waxaa sidoo kale qayb ka ah siyaasiyiin, madax dhaqameed iyo dhinacyo kale, si ay uga tashtaan Mustaqbalka Gedo.
Maxamuud Sayid Aadan oo hadal siiyay warbaahinta ayaa soo jeediyay dalab culus, isaga oo ku baaqay in xalka gobolka lagu wajajo wadatashi, isla markaana ka maamul ahaan ay soo dhaweynayaan gogosha fidsan.
Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Jubbaland ayaa sidoo kale fariin u diray shaqsiyaadka tegay fadhigaas, wuxuuna ugu baaqay inay adkeeyaan midnimada iyo wadajirka bulshada, si meel looga soo wada jeesto siyaasadda lagu kala qaybiyay ee saamaynta taban ku reebtay shacabka gobolka Gedo.
“Xalka Gobolka Gedo waa in wadatashi la isugu yimaado, si loo wada noolaado, siyaasadda xeer lagu kala baxo ayay leedahay ee aan wada noolaanno, hal ciidan ayaan wada nahay, waana in la is qadariyaa” ayuu yiri Maxamuud Sayid Aadan.
Dhanka kale, wuxuu weerar ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh isaga oo sheegay in uusan xoog ku qabsan karin Gedo, sida uu hadalka u dhigay.
“Madaxweynihii hore ee Xasan Sheekh Maxmauud hadda maanta ayay u cusub tahay qoryo iyo in hub wax lagu raadiyo balse xoog kuma qabsan karo gobolka,” ayuu mar kale yiri Madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubbaland.
Xiisadda Gobolka Gedo oo marar badan soo laa laabatay ayaa saameyn xooggan ku yeelatay amniga, horumarka iyo nolosha shacabka gobolkaasi.

