Muqdisho (Caasimada Online) – Imaam Cumar Macalin Abshir oo kamid ah waxgaradka Soomaaliyeed ayaa jawaab ka bixiyay eedeyntii Garaad Jaamac Garaad Cali oo maalmo kahor sheegay in odayaasha Hawiye ay soo dhamaystiri waayeen xubnihii laga rabay, si loo dhiso guddi odayaal ah oo dhex-dhexaadiya Villa Somalia iyo Mucaaradka.
Garaadka ayaa xusay in arrintaas ay keentay in ay fashilmaan dadaalladii ay wadeen ee dhex-dhexaadinta, si xal looga gaaro khilaafka taagan.
“Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed waxaan kulankan uga codsanay si aan ugu sheegno ergadii ay na fareen inay suuroobi wayday inaan u gudbino dhinicii kale arrinta ay u suuroobi waysay ma aha inaan dhinaca dowladda war ka weynay ee odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed guddiga ay ku ballansanaayeen ayaa soo dhammaystirmi waayay weliba guddigii beesha Hawiye ee magaaladan degta,” ayuu yiri Garaad Jaamac Garaad Cali.
Intaas kadib waxaa soo jawaabay Imaam Cumar Macalin Abshir oo shaaca ka qaaday in Odayaasha Hawiye ay nabad rabaan, isla markaana aysan ku shaqeyn doonin talaba Isin dhaqan oo dagaal hurinayo, sida uu hadalka u dhigay.
“Waxaan maqlaayay nin oday ah oo maalin dhaweyd dhahaayo odayaashii Hawiye ayaa soo bixi waayay Odayaasha Hawiye nabad ayay rabaan afkooda ayaan ku hadleynaa dowladnimo ayay rabaan karaamo ayay rabaan,” ayuu yiri Imaam Cumar Macalin Abshir.
Waxaa kale oo uu kusii daray “Nabadoon ama duub ama nin isima oo dagaal horkacayana isku gaari maba na qaado, sidaasna dhaqan kuma ahan.”
Hadalkan ayaa kusoo aadayo, xilli haatan Soomaaliya ay wajaheyso marxalad xasaasi ah oo ka dhalatay hannaanka doorashooyinka, iyada oo ay si wayn isugu hayaan madaxda Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.

