26.3 C
Mogadishu
Monday, June 1, 2026

War laga soo saaray xaaladda caafimaad ee Trump iyo sanad gudihiis oo la sheegay in…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku jira “caafimaad jireed oo aad u wanaagsan,” sida lagu sheegay warqad uu soo saaray dhakhtarkiisa gaarka ah, kadib baaritaan caafimaad oo toddobaadkan loogu sameeyay Isbitaalka Militariga Qaranka ee Walter Reed.

Warqadda oo uu Aqalka Cad sii daayay fiidnimadii Jimcaha ayaa waxaa qoray Kabtan Sean Barbabella, oo ah dhakhtarka madaxweynaha. Waxa uu sheegay in baaritaanka la sameeyay Talaadadii uu ahaa kii saddexaad ee Trump maro tan iyo markii uu dib ugu soo laabtay Aqalka Cad.

Barbabella ayaa sheegay in baaritaanka lagu sameeyay madaxweynaha uu ka koobnaa tijaabooyin ballaaran oo shaybaar iyo kuwo ka hortag caafimaad ah, iyo sidoo kale la-tashiyo lala yeeshay 22 dhakhtar oo takhasusyo kala duwan leh, kana socday xarumo caafimaad iyo hay’ado waxbarasho oo waaweyn.

Dhakhtarka ayaa warqaddiisa ku sheegay in Trump uu muujiyay “waxqabad garasho iyo mid jir oo aad u wanaagsan,” islamarkaana uu si buuxda ugu habboon yahay gudashada dhammaan waajibaadka madaxweynenimo iyo kan taliyaha guud ee ciidamada Mareykanka.

Sidoo kale, baaritaannada la xiriira shaqada maskaxda iyo garashada ayaa lagu sheegay in madaxweynaha uu muujiyay xaalad maskaxeed oo caadi ah, iyadoo aan la sheegin wax muujinaya hoos u dhac dhanka garashada ah.

Warqadda ayaa sidoo kale lagu sheegay in Trump la siiyay talooyin caafimaad oo ka hortag ah, oo ay ku jiraan hagaajinta cuntada, isticmaalka qadar yar oo aspirin ah, kordhinta dhaqdhaqaaqa jirka iyo sii wadista dhimista miisaanka.

Miisaanka Trump ayaa lagu sheegay in culeyskiisa yahay 108 kg, taas oo ka dhigan in ay miisaankiisa ku korortay 6.4 kg tan baaritaankiisii caafimaad ee 2025.

Trump, oo 14-ka June jirsanaya 80 sano, ayaa ah qofkii ugu da’da weynaa ee xilka madaxweynenimo ee Mareykanka qabta. Arrinta caafimaadkiisa ayaa si gaar ah isha loogu hayaa, maadaama caafimaadka madaxweynayaasha da’da ah uu noqday mowduuc siyaasadeed oo aad looga doodo gudaha Mareykanka.

Dooddaas ayaa xoogeysatay sanadihii dambe, gaar ahaan xilligii madaxweynihii hore Joe Biden, oo si joogto ah loo weydiin jiray su’aalo ku saabsan awooddiisa jireed iyo tan maskaxeed. Trump ayaa arrintaas si weyn u adeegsan jiray ololihiisa doorashada, isaga oo isku muujinayay inuu ka firfircoon yahay Biden.

Kadib markii Biden ka tagay xilka, waxaa la shaaciyay in laga helay kansarka qanjirka ragga oo heerkiisu sarreeyo, taasoo sii kordhisay doodda ku saabsan da’da, caafimaadka iyo kartida hoggaamiyeyaasha Mareykanka.

Intii lagu jiray muddada labaad ee Trump, sawirro dhowr ah ayaa muujiyay nabarro ama midab-beddel ka muuqda dusha gacmihiisa, kuwaas oo mararka qaar lagu arkay in lagu daboolay qurxin ama faashado.

Dhakhtarkiisa ayaa warqadda ku sheegay in arrintaas ay la xiriirto “cuncun ama dhaawac yar oo ku dhaca unugyada jilicsan,” isaga oo ku sababeeyay salaanta badan ee gacmaha iyo saameynta fudud ee aspirin-ka.

Barbabella ayaa hore Trump uga helay xaalad loo yaqaan chronic venous insufficiency, oo ah cillad ku timaadda xididdada lugaha, taas oo keenta in dhiiggu si fiican ugu soo laaban waayo wadnaha, mararka qaarna sababta barar lugaha ah.

Warqadda cusub ayaa sheegtay in bararka hoose ee lugaha Trump uu yahay mid “yar,” islamarkaana uu ka soo roonaaday xaaladdii sanadkii hore.

Dhakhtarka ayaa sidoo kale sheegay in Trump uu qaato laba dawo oo lagu xakameeyo dufanka dhiigga, kuwaas oo kala ah Rosuvastatin iyo Ezetimibe. Waxa kale oo uu qaataa aspirin, oo loo isticmaalo tallaabo ka hortag ah oo la xiriirta caafimaadka wadnaha.

Barbabella ayaa sheegay in Trump uu ka faa’iidaystay in uusan weligii isticmaalin tubaako iyo khamri, taas oo uu ku tilmaamay mid ka mid ah arrimaha taageeraya caafimaadkiisa guud.

Dhakhtarka ayaa intaas ku daray in jadwalka maalinlaha ah ee Trump, oo ay ku jiraan kulamo heer sare ah, ka qeybgalka munaasabado dadweyne iyo dhaqdhaqaaq jireed oo joogto ah, uu weli kaalin ka qaadanayo xaaladdiisa caafimaad.

Si kastaba, Trump ayaa caan ku ah inuusan lahayn jadwal jimicsi oo joogto ah marka laga reebo ciyaarta golf-ka. Waxa kale oo muddo dheer lagu yaqaannay inuu jecel yahay cuntooyinka cusbada iyo dufanka badan, oo ay ku jiraan hamburgers iyo fries.

- Advertisement -

Read more

Local News