Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Kenya William Ruto, ayaa ku dhawaaqay mashaariic waaweyn oo ay dowladda ka fulineyso waqooyiga Kenya oo isugu jira dhismaha terminal cusub ee garoonka Wajeer, waxbarashada, caafimaadka, guryeynta, waddooyinka, iyo horumarinta xoolaha iyo dhismaha jaamacaddii ugu horeysay ee qaranka.
Wuxuu ku tilmaamay in dadaalkan uu yahay mid lagu xaqiijinaayo in aan gobolna gadaal looga tagin. Isagoo ku dhawaaqay hadal taariikhi ah oo ahaa kuna yiri “Wajir ma aha darafka Kenya, Wajir waa Kenya lafteeda.”
Madaxweynaha ayaa sheegay in waqooyiga Kenya ay door dhexe ka ciyaari doonto isbeddelka dhaqaale ee dalka mustaqbalka, iyadoo loo marayo maalgashiga waxbarashada, xoolaha, kaabayaasha dhaqaalaha, mashaariicda biyaha, iyo ganacsiga gobolka.
William Ruto ayaa sidoo kale ku amray Wasaaradda Waxbarashada inay billowdo wadatashiyo ujeeddadoodu tahay in si rasmi ah loogu daro barnaamijyada Dugsiyadda, Madrasa-yada, iyo waxbarashada reer miyiga habka waxbarashada asaasiga ah ee Kenya.
Tallaabadan ayaa la filayaa inay kor u qaaddo helitaanka waxbarashada ee kumanaan carruur ah oo ku nool bulshooyinka gobolada fog ku yaal ee muddo dheer helin wax xuquuq ah.
Dugsiyadda waxbarashada diiniga ayaa mid aasaasi ah oo loogu talagalay carruurta yaryar, gaar ahaan gobollada ay Soomaalidu degto inay ku bartaan qur’aanka kariimka.
Madaxweyne Ruto isagoo ka hadlayay dabbaaldegga 63-aad ee Maalinta qaranimada oo sannadkan lagu qabtay Ismaamulka Wajeer, ayaa sheegay in dowladdu ay samayn doonto qaab-dhismeed sharci iyo mid siyaasadeed oo cad si loo aqoonsado hannaanyadan waxbarasho ee beddelka ah, kuwaas oo muddo bulshada u adeegayay laakiin ka baxsaanaa habka rasmiga ah ee waxbarashada dalka.
Ruto ayaa xusay in maqnaanshaha qaab-dhismeed rasmi ah oo loogu talagalay Dugsiyadda, Madrasa-yada, iyo waxbarashada reer miyiga ay keentay in carruur badan, gaar ahaan waqooyiga Kenya iyo gobollada kale ee darafyada ku yaal ay waayaan waddooyin waxbarasho oo aqoonsi dowladeed haysta.
“Maanta waxaan ku amrayaa Wasiirka Waxbarashada inuu la xiriiro dhammaan daneeyayaasha ay khuseyso, uuna qaado tillaabooyinka lagama maarmaanka ah ee hoos yimaada Sharciga Waxbarashada Asaasiga ah, si ballaaranna loogu tashado lana soo jeediyo tillaabooyinka ku habboon ee isku-dhafka rasmiga ah ee adeegyadan,” ayuu yiri Madaxweynuhu.
“Tani waxay xaqiijin doontaa in ilmo kasta, iyadoon loo eegin asalkiisa ama xaaladdiisa, uu haysto waddo la aqoonsan yahay oo uu u maro waxbarashada, xirfadaha, iyo fursadaha. Ilmo kasta wuxuu mudan yahay in laga furo albaabka waxbarashada. Waa waajibaad na saaran inaan albaab kasta furno.” ayuu sii raaciyay William Ruto.
Amarkan ayaa qayb ka ah qorshaha ballaaran ee dowladda oo loogu talagalay in lagu horumariyo wax-wada lahanshaha, isla markaana wax looga qabto iska indho tirka taariikhiga ah ee ka jiray waqooyiga Kenya.
Madaxweynaha ayaa sheegay in waxbarashadu ay tahay aaladda ugu xooggan ee lagu beddeli karo nolosha laguna furi karo fursadaha dhaqaale, wuxuuna xusay in maalgelinta dowladda ee qaybta waxbarashada ay si weyn u korortay.
Sida uu sheegay Ruto, miisaaniyadda waxbarashada ayaa ka korortay Sh500 bilyan sannadkii 2022, waxayna hadda mareysaa wax ka badan Sh702 bilyan. Sidoo kale, in ka badan 100,000 oo macallin ayaa la shaqaaleysiiyay saddexdii sano ee la soo dhaafay, halka 20,000 oo kalena la qorsheynayo in la shaqaaleysiiyo.
Wuxuu muujiyay dadaallada lagu xallinayo gabaabsi weyn oo dhanka macallimiinta ah oo ka jiray waqooyiga Kenya, isagoo adeegsanaya barnaamij gaar ah oo horseeday inay shaqeeyaan kuleejyada tababarka macallimiinta ee Wajir, Kutulo, iyo Mandera.
1,800 oo macallin: Waa tirada macallimiinta deegaanka ah ee laga qoray ismaamullada Wajir, Mandera, iyo Garissa oo hadda la shaqaaleysiiyay laguna dabar-goyn doono gobolka. Halka 4,616 oo ardayay tahay tirada ardayda hadda iska diwaangelisay kuleejada tababarka macallimiinta ee gobolka, waana tiradii ugu badneyd ee abid taariikhda gobolka laga diwaangaliyo.
Nidaamka waxbarashada ka sokow, Ruto wuxuu adeegsaday dabbaaldegga qaranka si uu u difaaco go’aankii maamulkiisa ee ahaa in la baabi’iyo hannaankii adkaa ee baaritaanka ee lagu heli jiray kaarka aqoonsiga qaranka (ID) ee waqooyiga Kenya. Wuxuu sheegay in tillaabadan loogu talagalay in lagu soo afjaro tobanaan sano oo midab-kala-sooc iyo dhibaato ah oo ay la kulmi jireen muwaadiniinta sharciga ah ee Kenya.
Wuxuu dib u xusuustay sheekada muwaadin deegaanka Wajir ah, in kasta oo uu ku dhashay Kenya, haddana la kulmay caqabado dhowr ah iyo dhibaatooyin soo laalaabtay si uu u helo kaarka aqoonsiga qaranka.
“In ka badan lixdan sano, tani waxay ahayd nolosha dhabta ah ee boqolaal kun oo reer Kenya ah oo ku nool waqooyiga Kenya,. Ma aanan baabi’in xaqiijinta dhalashada. Waxaan baabi’innay midab-kala-sooca,” ayuu yiri Ruto
Madaxweynaha ayaa sheegay in isbeddellada lagu soo rogay Baaqa Madaxweynaha ee Diiwaangelinta iyo Bixinta Aqoonsiga iyo Shahaadooyinka Dhalashada ee Waqooyiga Kenya, kaas oo lagu saxiixay Wajir bishii Febraayo 2025, ay mar hereba u suurtagelisay kumanaan dhalinyaro ah inay helaan dukumentiyada aqoonsiga iyadoo aan la marin baaritaanno dheeraad ah oo dhib iyo takoor wata.
“Farriintayadu waa caddahay: ilmo kasta meel kasta oo uu joogo wuxuu xaq u leeyahay fursad, mana jiro ismaamul aad u fog oo aan mudnayn horumar,” ayuu hadalkiisa kusoo gaba gabeeyay.
Tan iyo markii la doortay madaxweyne William Ruto wuxuu isbadal ku sameeyay qaabkii horay loola dhaqmi jiray Soomaalida Kenya oo aad ugu dulmanaa dhinacyada horumarka, dhaqaalaha, waxbarashada iyo sharciyada, intaasna ay xiligaan meesha ka baxeen, waxaana lagu tilmaamay Ruto madaxweynihii ugu horeeyay ee xuquuqda Soomaalida soo dhiciyay inuu yahay.

