Garoowe (Caasimada Online) – Maamul goboleedka Puntland ayaa digniin adag u diray xubnaha siyaasiyiinta mucaaradka ee dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed iyo midka ciidan ka wada deegaano ka tirsan Puntland.
Caasimada Online ayaa baahisay qorsheyaal ay wadaan kooxaha mucaaradka Puntland iyo mas’uuliyiin xilal ka haaya dowladda federaalka, kuwaasi oo maalmihii lasoo dhaafay waday shirar iyo abaabul looga soo horjeedo Saciid Deni.
Cabdiraxmaan Yuusuf Dujaana oo ah Wasiir ku-xigeenka amniga Puntland ayaa ku hanjabay in xukuumadda Puntland ay gacan bir ah ku qaban doonto siyaasiyiinta iyo mas’uuliyiinta saluugsan nidaamka madaxweyne Saciid C/llaahi Deni.
Hadalkaan oo C/raxmaan Dujaana uu ka jeediyay xaflad tababar loogu soo xirayay ciidamo booliska ka mid noqonaya oo lagu tababaray magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in Puntland uu ku noolaan karo qof kasta han siyaasadeed ka yeelan karo Puntland haseyeeshee aanan laga yeeleyn inuu dhibaateeyo amniga.
“Qofkastoo Soomaaliyeed oo reer Puntland ah oo siyaasiya, waa ku noolaan karaa, siyaasad buu ka geli karaa, laakiin amnigeeda ma qalqal gelin karo, cid kasta oo ku foogan amni xumo, hay’addaha amniga waxay u haystaan amar inay gacan bir ah ku qabtaan,” ayuu yiri wasiir ku xigeenka amniga Puntland C/raxmaan Yuusuf Dujaana.
Go’aanka xukuumadda Puntland ay ugu digtay siyaasiyiinta mucaaradka ayaa kusoo beegmay xili magaalooyinka Boosaaso, Garoowe iyo Gaalkacyo ay ku sugan ciidamo tiro badan oo ka amar qaata siyaasiyiinta mucaaradka ah ee Puntland, kuwaas oo qaarkood xilal ka hayaan Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Sidoo kale, waxaa labadii maalmood eee lasoo dhaafay gobolka Nugaal gaar ahaan deegaanka Eyl in ciidamo tiradoodu ka badan tahay 500 oo laga soo ururiyay beelaha gobolka Nugaal tababar looga furay duleedka deegaanka Eyl, kuwaas oo ka madax-bannaan maamulka uu hoggaamiyo Saciid Cabdullaahi Deni.
Dhaq-dhaqaaqyadaan ayaa imaanaya xili culeys siyaasadeed uu la kulmayo madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo albaabada iyo xiriirkii dowladda federaalka soo xeray, isagoo kooxaha mucaaradka ee Muqdisho gacan saar la leh.

