26.7 C
Mogadishu
Tuesday, June 2, 2026

Daawo: Mucaaradka oo Geelkii ugu horreeyay loogu geeyay Mirinaayo

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Odayaasha Dhaqanka ee Beesha Agoonyar Gaabane ee uu kasoo jeedo Madaxweynihii hore ee dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta Geelkii ugu horreeyay u geeyay mucaaradka, kuwaas oo bilaabay dhaq-dhaqaaqyo culus iyo abaabul ku aadan dibadbaxa ay iclaamiyeen 4 June.

Odayaasha oo tegay guriga uu maanta Sheekh Shariif ka dagay Mirinaayo ayaa ku wareejiyay neef Geel ah oo hordhac u ah xoolo nool oo illaa caawa loo gayn doono mucaaradka, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo xilkas ah.

Sidoo kale, odayaasha Aqoonyar Gaabane ayaa kulan gaar ah la yeeshay Sheekh Shariif, wuxuuna ujeedka uu ahaa salaan iyo kala qarqaadasho.

Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ahayd Sheekh Shariif Sheekh ayaa goor sii horreysay oo maanta degay guriga Madaxweynihii hore ee Cali Mahdi oo ku yaalla aagga xeebta Liido, halkaas oo uu sidoo kale xisbigiisu ka furan doono xarun cusub, si uu isugu ballaariyo dhanka waqooyi ee Muqdisho.

Sawirro laga soo qaaday dhismahan oo kamid ah kuwa ugu dhaadheer ee caasimada ayaa muujinayo in durbo lagu xardhay boorka Xisbiga Himilo Qaran, waxaana sidoo kale la filayaa in la qabto munaasabadda daah-furka.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in xubnaha kale ee mucaaradka ay iyaguna isku kala qaybin doonaan xaafadaha magaalada Muqdisho, sida Seybiyaano iyo meelo kale oo kamid ah bartamaha caasimada, iyada oo ujeedka uu yahay isku diyaarinta dibadbaxa ay mucaaradka iclaamiyeen 4-ta bishan, kaas oo lagu diidan yahay muddo kororsiga halka sano ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo barakicinta qaar kamid ah shacabka magaalada Muqdisho.

Arrintan ayaa muuqata mid ay mucaaradka ku aas-aasayaan Badabaado cusub si lamid ah Badbaadadii Qaran ee lagu wajahay Madaxweynihii hore ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo, taas oo Geel badan lagu wareejiya xilligaas, maadaama ciidamo badan ay ka dhex abaabuleen magaalada Muqdisho.

Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan waxaase laga war sugayaa halka ay ku dambeyso xiisadda labada dhinac oo salka ku haysa muranka ka dhashay hannaanka doorashooyinka iyo wax ka beddelka dastuurka dalka.

- Advertisement -

Read more

Local News